“Xisbigii Wuxuu Gacanta ugu Jiraa Afar Nin” Kijaandhe

Hargaysa(SLpost):-Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), ayaa xogwaran uu maanta siiyey saxaafadda ayaa waxa uu kaga hadlay khilaafka Kulmiye ee uu isaguna qayb ka yahay, waxaana uu  hogaanka Xisbigaas ugu baaqay inay arrinta dhulka dhigaan oo aannay Xisbiga xaalad gelinin.

Murashax Kijaandhe waxa uu sheegay haddii aannay garabka af-duubka ku haysta Xisbiga KULMIYE aannay waan-waan iyo wada-xaajood ogolaanin, in taasi ay keenni karto in albaabada laga goosto Madaxtooyadda Somaliland.

Musharax Kijaandhe isagaa arrimahaa ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Xisbiga Kulmiye waa Xisbi dimiqraadi u taagan xaakimkii buu ahaa waa kii ay ahayd in lagaga daydo dimuqraadiyadda. Doodahan socdaa waa dimuqraadiyaddii oo shaqaynaysa”

“Xisbigii Wuxuu gacanta ugu jiraa afar nin oo labana musharixiin labana ay u ololeeyaan, arrimahaasi waxay u baahan yihiin in laga hadlo. Annaga oo aqlabiyaddii haysanna ayaannu leenahay xisbigii shuruucdii uu lahaa ha la mariyo. Xisbiga Kulmiye Maanta muu dhallan siduu uu u shaqayn jiray si aan ahayn buu yahay imika, xisbi la wada leeyahay buu ahaa. Xisbigii Kulmiye maanta waa afar qof oo labadii kale ee wehelinayey way uga baxeen oo waxa ay yidhaahdeen sidan ay wax u socdaan raalli kama nihin” Ayuu yidhi Musharax Kijaandhe.

 

Sidoo Kale Musharax Kijaandhe waxa uu sheegay in aannu madaxweynuhu dhexdhexaad ahayn isla markaana waxa uu farriin u diray xisbiga Kulmiye waxaana uu yidhi “Inta aannay meel xun gaadhin ee aan farta dhexda laga qaniinin, waxaannu ugu baaqaynaa oo aannu leenahay xisbigayagii Kulmiye; Waar walaalayaalaw ma dhooqadaashaynu ku sii dhex jirnaa mise waynnu ka wada hadalnaa oo shirka dib baynnu u dhigannaa? Waxa kale oo xanuun leh madaxweynihii shallay lahaa dhex baan ahaa ayaa isaguna xafiiskii tagay oo taageero siiyay oo is diiwaangeliyay, ficilkaasina waxa uu sheegayaa in aannu madaxweynuhu dhex dhexaad ahay”

 

Ugu dambayn mudane Kijaandhe ayaa waxa uu ku goodiyey kuna hanjabay haddii xisbiga iyo taladiisa lagu soo celin lahaa waanwaan haddii kale madaxtooyada albaabada lagala bixi doono “Waxaanu leenahay oo aannu ugu baaqaynaa walaalahayo Haddii aan waanwaantii lagu soo celin oo sidii uu Kulmiye dhaqankiise ahaa lagu soo celin waannu isku noqonaynaa oo dadkayagii baannu ku noqonaynaa oo albaabada ayaa  laga goosan madaxtooyada”

 

Somalilandpost, Hargeysa Office