Xisbigee Hogaanka U Haya Habarwacashada Siyaasiyiinta Haybta Wadaagga ah – W/Q: Sacad Maxamuud Gadhle

Sacd M. Gadhle

SacadHoy hoy dadwaynow

Goormaa la helayaa

Hogaan xeerka dhawroo

Hidahana ilaashoo

Hadaf kula wadaagoo

Heegan maanta kuu gala

Ana hawshii maan gabin

Hiilkaaga maan dayn

Ma hakinin qoraalkii

Dib u curashadii qalinka

Waa qoraal hufan oo aan ku habeeyay Dhacdooyinkii iyo maha dhooyinkii ku xeernaa

Hirdan adag oo hawl badnaa oo lagala kulmay furitaankii ururada siyaasada waa qoraal hido dhawra cidna aanan ku hiifin hadana aan ku tilmaamay habqankii habaaska iyo hagardaamada lahaa ee gudidii diwaan galinta iyo gudidii doorashooyinku  ay hormood ka ahaayeen

Waa qoraal aan hilaabta kaga qaadayo boogaha huursan ilayn [doqon baa hoosiis hadh moodee] .Waa qoraal aan ku iftiiminayo halmaanka habawga iyo hadaf la,aantu ka muuqato ee ay wadaagaan hogaamiyayaashii ururadii ku hadhay wareegii koowaad iyo ururadii ku hadhay wareegii labaad ee doorashadii golaha deegaanka dalka

Waa qoraal aan boroor diiq uga dhigayo bur-burkii ku yimid xisbigii [udub] bur-bur kaasooo ay sobob u ahayd talo xumo ay horseed  u ahaayeen madaxwaynihii  hore ee RAYAALE iyo madawayne ku xigeenkiisii  hadiise aan ku soo noqdo dulucda maqaalkayga waxay furitaankii ururada siyaasadu iyo shirar doceedyo ka horeeyayba ay sobab u noqdeen inay siyaasiyiin badan oon waligood isku arati iyo fikir noqon ay haybta ku midoobaan oo ay maanta leeyihiin hogaamiye kaliya oo ay raali kayihiin in ay saaraan kursiga dalka ugu sareeya ee madaxwaynaha iyagoo ku midoobay xisbiga wadani waxaase iswaydiin mudan halkee loogu gogolxaadhay  isku habar wacashada iyo midwaga siyaasiyiinta kala aragtida ahaa?

Ma haybta ay kasoo jeedaan ayaa ku qasabtay ?

Ma go,aan lagu gaadhay shirkii ceerigaabo ayay fulinayeen ?

Ma iyagaa u horeeyay?  Mise waa looga horeeyay talaabada ay qaadeen?

Xaqiiqada marka loo noqdo waa looga horeeyay . SHirarka beelahana waxaa fure u ahaa shirkii [gar-adag]  oo qayb libaax ka qaatay in lagu mideeyo siyaasiyiin aan waxba isku hanayn jirin aragtida siyaasadana aad ugu kala fogaa oo aan ka xusi karno madaxwaynaha s/land  AXMED MAXAMED MAXAMUUD  SIIRAANYO gudoomiyaha golaha guurtida  SALEEBAAN MAXAMUUD AADAN  iyadoo midnimada beesha bariga burcana ay xoogaysatay waxaanse ku dhaafayaa maah-maahda carbeed ee odhonaysa bani aadamku waxay haystaan diinta boqorkooda balse labadan masuul ee gudoomiyaha baarlamaanka ama golaha sharci dajinta md c/raxmaan maxamed c/laahi [cirro] iyo madaxwaynaha s/land  gudoomiyaha golaha fulinta ama golaha wasiirada qofba siduu u yaqaano hdaba mala bar-bar dhigi karaa habka iyo hanaanka siyaasadeed ee ay ku hogaamiyaan xisbiyadooda iyo talada dalkaba ciyaar carruureed inta badan laga yaqaano deegaano badan oo s/land  ah ciyaartan inta badan reer magaaluhu garanayn waxa la ciyaaraa cawayskii iyadoo sabada reerka carruurtu iskugu timaado iyadoo mid kamida carruurta xaga danbe lawada qabsado toban carruura ama  in ka badan ayuu mid ka mid ah gaar uga baxayaa isagoo ku taabtaaba ciyaarta ka baxayo

Halka kan kalana ka ilaalinayo  oo uu ka hortaagan yahay labadooda mooyee kuwa kalene iyagu shaadhka ayuun bay xaga danbe xajisanaysaan waxbana iskama dhicin karaan ciyaartan ayaa leh hal ku dhagyo lagu ciyaaro oo odhanaya [maxaan kaa cunay ] oo  mid odhanaya halka ka kalena ku difaacanayo [maxaa ii hadhay ] halka caruurta kale ee ciyaarta  ku jirtaa uu hal ku dhagoodu yahay

Hooyo baas

Habarta baas

Iga hiroo

Iga horjoog

[Xaasha e hooyo ma baasa habarna maaha ee ciyaartaasi malaga yaabaa in ay sheegayso habrahan abtirsiimadu sheegto]Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkayga ma egtahay hogaaminta madaxweynaha iyo gudoomiyaha golaha wakiiladu ciyaar caruureedkaa aan kor ku soo xusnay  mise madaxwaynaha ayaa bog cusub u furi doona bulshowaynta somaliland oo dhidibada u taagi doona mid nimo iyo wax isku hanayn beelo kala duwan oo midnimo wadaaga taasoo dhex marta beelaha bariga iyo galbeedka somaliland waa bari iyo  bil danbe balse qormadaydan aan ku soo afmeero maansadii halbeeg

How how dadwaynow

Horta maad ogaateen

Codku yahay hubkaagoo

Laba haadna kula maro

Midi  hoodo keenoo

Barwaaqada horseedoo

Talo hufana kuu dhalo

Midna haada kuu wadho

Halbowlaha ku gooyoo

Gaajiyo habaar dhalo

Hoy hoy dadwaynow

Hore socod ma doontaa

Raadcadii hogaan wacan

Maanka maad ku haysaa

Higso maad is leedahay

Horomarkaad tabaysee

U halaagtay nafo badan

Hoy hoy dadwaynow

Haye fududa daayoo

Halkan doodo keenoo

Hubso damacan beenta ah

Kala hufa xildoonkoo

Hugun raaca kala didi

Hamigaaga meel mari

Qalinkii Abwaan Sacad Maxamuud Gadhle gabiley   tell 4669910