“Xisbiga Waddani Wuxuu Ku Fashilmay Shirkiisii Golaha Dhexe” – Madaxweyne Cabidraxmaan Saylici

Gabiley (SLpost)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna Ku Simaha Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Iyo Mas’uuliyiin Kale ayaa Maanta ka qayb galay Xaflad Magaalada Gebilay loogu sameeyay Maayaradii Hore ee Magaalada Gebilay iyo Xildhibaanadii Hore ee Golihii Deegaanka Gebilay oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye.

Md Saylici oo munaasibaddaas ka hadlay waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay isla markaana u dhaliilay natiijadii ka soo baxday shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo dhowaan ku qabsoomay magaalada Hargeysa, kaas oo lagu doortay Murashaxa madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbigaas.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN