“Xisbiga WADDANI Waa Inuu Shirweyinihii Qabtaa oo Distoorka Qabyada ah Dhamaystiraa” Musharax Cabdisalaan Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

Hargeysa (SLpost)  Prof Cabdisalaan Yaasiin, oo u tartamaya jagada musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani, ayaa farriimo u diray xisbiga Waddani, waxaanu dhalliilay xukumadda oo uu maamul xumo ku duray.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayaa u dhignaa sidan”Dawladnimadeeni halis bay ku sugan tahay. Hore way u kala yaacaday. Sida wararka ugu dambeyay sheegayaanna, intii hadhay way isku daadatay. Waxa isku milmay Xukuumaddii iyo xisbigii Kulmiye. Waxaanay halis ugu jirtaa xukuumaddu in ay laba madax yeelato.

 

Halkaasi  waxa ku ragaadday dawladnimadii, xisbinimadii, iyo dimuqraadiyadii. Xaaladdaasina waxa keenay dhaqanka qaloocan  ee siyaasiga ah iyo kooxaha siyaasiyiinta ee awoodda dawladnimo gacanta ku haya.

 

Gefka  ugu weyn ee dhacayna  waxa weeye distoorkii  iyo xeerarkii lagu heshiiyay ee Somaliland lagu dhisay oo aan la raacayn.

Iyada  ooxaaladdu sidaas ah, haddana amal baa jiree waa in aynu aayaheenna ka talinaa.

Amalka Somaliland maanta waa Xisbiga Waddani. Si aanu kaalintiisa u gabin waxa la gudboon in uu noqdo: xisbi aan qoflahayn, kooxi lahayn, oon qolo lahayn. Xisbi ilaalinaya  ooku dhaqmaya distoorka iyo xeerarka dalka.

Haddaba, si dhaqankaasi wanaagsan ee baaahhida loo qabaa uga muuqdo, Xisbiga Waddani waa in uu:

  • Distoorkiisa qabyada ah dhamaystiraa.
  • Shirweynihii xisbi qabtaa.
  • Hogaankii xisbiga, Guddidii Fulinta, iyo Golihii Dhexe doortaa.
  • Fursad u siiyaa tartamayaasha musharaxa madaxweynaha iyo ku xigeenku inay  Golaha Dhexe ee Shirweynaha lagu doortay ku dhex tartamaan.  Ka dheeraadaa in la qabto shir GoleDhexe oo ah kii Ururkii Waddani oo la doonayo in dhexdiisa  lagu tartamo.

Hadii uu Waddani sidaa yeelo, wuxuu noqon doonaa amalkii badbaadiyay dawladnimadii, xisbinimadii, iyo dimuqraadiyaddii  Somaliland.