Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Doorashadu Wakhtigeeda Ku Qabsoonto

Hargeysa (SL.Post)  Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee  WADDANI  Cabdiraxmaan Maxamed  Cabdilaahi (Cirro) ayaa xukuumada ugu baaqay inay doorashooyinka ku qabato wakhtigii loo qoondeeyey.

 

 

 

 

 

Gudoomiye Cirro oo ka hadlayey munaasibad lagu furayey xafiis cusub oo xisbigiisu ka furtay xaafada 150-ka ee magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale sheegay inaanay deegaanadu ku qasbanayn inay xisbi gaar ah u codeeyaan.

 

 

 

Guddoomiye Cirro  ayaa shaaca ka qaaday in xisbigiisu diyaar u yahay inay tartanka doorashada waxaanu yidhi “Waxa inagu soo socda doorashooyinkii, waxaanu xisbiga Waddani diyaar u yahay inay doorashooyinku qabsoomaan oo ay ku dhacaan wakhtigii loo jaray ee umadu isku raacday ee maxkamadu go,aamisay ee ahaa bisha March 28-keeda.”

 

 

Guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa xukuumada ugu baaqay inay ka shaqayso masrixii lagu tartami lahaa waxaanu yidhi “Waxaanu xukuumadu ka codsanaynaa inay  salaxdo garoonkii lagu turtami lahaa marka la gaadho wakhtiga doorashada ”

 

 

 

Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay inaanay cidina ku qasbanayn inay u codayso xisbi gaar ah  waxaanu yidhi “ Waxaanu rumaysanahay in muwaadinku xor u yahay xisbiga uu tagayo, haddii uu dooranayo Kulmiye, haddii uu dooranayo Waddani iyo haddii uu dooranayo Ucid, laakiin waxa baryahan soo baxaysa in xisbiyada qaarkood leeyihiin  deegaan hebel ayaa igu qasban iyo reer hebelbaa igu qasban, waxaanu leenahay  cidina cid kale kuma qasbana.”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa