Haregysa, (SLpost)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo muddooyinkii u dambeeyay taageerayaashiisa ugu baaqay mudaharaado ka dhan muddo-kordhintii ay xukuumadda iyo golaha wakiillada u sameeyeen golaha guurtidu, kaasoo wasaaradda daakhiliga ay laba jeer ka horjoogsatay inuu qabsoomo ayaa waqti kale u qoondeeyay mudaharaadkaas, taageerayaashiisana ku wargeliyay dibu-dhiggaas.
Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed oo shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay xarunta xisbigaas ayaa ku sababeeyay dibu dhigga baaqoodii mudaharaadka xuska 18-ka May, isla markaana waxa uu ku wargeliyay taageerasha xisbiga inay wixii ka dambeeya dabaal-degga maalinta qaranimada ay isu soo baxaan. “Waxaanu shalay (doraad) u dirnay wasaaradda arrimaha gudaha warqad qoraal ah oo aanu ku codsanayno inaanu samayno isu-soo bax salmi ah, sida aynu wada ognahay waxa inagu soo dhaw xuska 18-ka may oo ah runtii maalin qaran oo aad u weyn oo u baahan in reer Somaliland mucaarad iyo muxaafidba si mugle oo miisaan leh, markaanu taa eegnay, wuxuu xisbigu go’aansaday in mudaharaadkii salmiga ahaa ee aanu labada jeer ku baaqnay aanu dib u dhignay, sababta dib u dhigistuna ay tahay in loo diyaar garoobo dabaal-dega 18-ka May,” ayuu yidhi guddoomiye ku-xigeenka WADDANI, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Kama noqonayno mudaharaadka maalintay dhamaato xuska 18-ka may wixii ka dambeeya mudaharaadku wuu soconayaa gobollada oo dhan wuu ka soconayaa, ilaa inta laga gun gaadhayo mushkilada ay inagu ku kiciyeen golaha guurtidu.”
Somalilandpost.net