Xisbiga Waddani oo Walaac Xooggan ka Muujiyey Dib-u-dhac ku yimaadda Doorashooyinka, Kan adigay Muddo-kordhin Xukuumadda Kulmiye Wakhtiga ku dheeraysato

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa wer-wer xooggan ka muujiyey dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan dabayaaqada sannadka dambe, arrintaas oo ay ku sababeeyeen diyaar-garow la’aan ka jirta Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha oo wakhtigii loo muddeeyey inay ku qabsoonto uu gebo-gabo ku dhow yahay.

iBRAAHIM MAHDI BUUBAAAfhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in caloolyowga dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka ay tahay mid ku jirta shacabka Somaliland oo uu sheegay inay cabsi ka qabaan muddo-kordhin uu ka digay in looga dhigo diyaar-garow la’aanta dhinaca diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

“Muddadii loogu talo-galay doorashadu inay qabsoonto waxa ka hadhsan sannad oo bisha June ee 2015-ka waa inay qabsoontaa sida sharcigu dhigayo, waxaana jira caloolyow laga baqayo diiwaangelintii oo aan wali qaban inay doorashadu dib u dhacdo, waa wax qalbiga dadkoo dhan ku wada jirta,” ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxase aanu sheegaynaa oo xisbi ahaan meel nooga yaala muddo-kordhin inaanay xal u ahayn Qarankan. Waxaanu sheegaynaa habeen in lagu daraa inaanay dawo u noqonayn dalkan.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo shalay ka hadlayey munaasibad Akedeemiga Nabadda iyo Horumarintu isugu Keentay Madaxda Xisbiyada, ayaa sheegay in karaamada iyo Sharafta Dimuqraadiyadda Somaliland ku xidhan tahay Doorashooyinka oo xilliga loo muddeeyey qabsoomiddeeda lagu diyaariyo.

“Waxaan isleeyahay, Somaliland hannaanka Dimuqraaddiga ah way ku guulaysatay oo waxay samaysatay hannaanka axsaabta badan. Caqabaduhu way iska jiri karaan, laakiin si aanu hannaankaasi u kala go’in, waxa loo baahan yahay in doorashooyinkuna ay noqdaan kuwo wakhtigooda lagu qabto.

Waxaan rejaynayaa, si hannaankaasi inoogu wanaagsanaado oo isbeddelkuna si dimuqraaddi ah u yimaaddo, diiwaan-gelinta inaynu ka wada-shaqayno oo suurto-gelino, waxaanan rumaysanahay haddii aynu ka wada-shaqayno, inaynu ku guulaysanno diiwaangelinta. Markaynu diiwaan-gelinno dadka codeynaya, doorashaduna way hawl-yar tahay inaynu qabanno,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

 

SOMALILANDPOST.NET