Xisbiga WADDANI oo taageerayaashiisa ugu baaqay inay Garab-istaagaan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay garab-istaagaan Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa socdaal ku joogaan dalka Guinea ee Galbeedka Qaaradda Afrika.

 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Waddani Marwo Faadumo Siciid oo maanta u warrantay HCTV, ayaa sheegtay inay xisbi ahaan ka soo horjoodeen go’aan dowladda Soomaaliya kaga soo horjeesatay socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi ku tagay dalka Guinea, taas oo sababtay in xukuumadda Farmaajo shaacisay inay xidhiidhka u jartay dalkaas, in kasta oo aanu jirin wax xidhiidh dibloomasiyadeed ah oo ay wadaagaan dalalka Somalia iyo Guinea.

 

Muuqaalka Hoose ka daawo Xog-warran HCTV la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga WADDANI