Xisbiga Waddani oo soo bandhigay Natiijada uga soo baxday Kulankii Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Ethiopia

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa natiijo lagu khasaaray oo aan qaranimada Somaliland iyo qaddiyadda dalka waxba u soo kordhin ku tilmaamay Safar Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wefti uu hoggaaminayaa shalay ka soo laabteen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kula kulmeen Raysal-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed oo marti-qaad rasmi ah u fidiyey Madaxweynaha Somaliland.

Faadumo Siciid

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Waxa uu ku dooday in safarka madaxweynaha ee dalka Itoobiya hoos u dhigay meeqaamkii dowladnimo iyo waddan isla markaana Somaliland ka dhigay maamul-goboleed.

 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga WADDANI, Faadumo Siciid oo maanta saxaafadda la hadashay waxa ay sheegtay in madaxweyne Muuse Biixi dalka kula soo laabtay Meeqaamka Somaliland oo maamul-goboleed ah.

 

BAL HADDABA, MUUQAALKAN HOOSE KAGA BOGO HADALKA MARWO FAADUMO SICIID OO HUWAN SIYAASADDA XISBIGA IYO WAXA UU KA AAMINSAN YAHAY NATIIJADA SAFARKII MADAXWEYNAHA EE DALKA ETHIOPIA