Xisbiga WADDANI Oo Shuruud Ku Xidhay Gogosha Wada-hadal Ee Xukuumaddu U Fidisay Mucaaradka

Haregysa, (SLpost)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa shuruud ku xidhay wada-hadal iyo gogol ay xukuumaddu ugu baaqday mucaaradka inay kaga wada xaajoodaan khilaafkii ka dhashay muddo-kordhinta ay guurtidu u samaysay xukuumadda iyo wakiillada.

Af-hayeenka xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta golaha wakiillada ayaa sheegay in xisbi ahaan uu go’aankoodu yahay kii komishanku ku cayimay qabsoomida doorashada, isla markaana aanay aqbalayn go’aankii guurtidu xukuumadda iyo wakiillada muddada sannadka iyo tobanka billood ah ugu kordhisay.

Waxa uu sheegay Xildhibaan in wada-hadalkaas ay diyaar u yihiin, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay inaan wax aan ahayn muddada ay guurtdi kordhisay aan lagaga wada-hadal. “Xisbiga WADDANI wuxuu hore sheegay in go’aankaa kasoo baxay golaha guurtida aanu u hogaansamin, isla markaana aanu aqbali doonin wax ka badan wixii heshiiska lagu ahaa ee komishanka doorashooyinku ay muddeeyeen ee ahayd 01, June, 2016.” ayuu yidhi Af-hayeenku.

Ibraahim Mahdi Buubaa oo faahfaahinaya shuruudda xisbigoodu ku xidhayo wada-hadalka ay xukuumaddu ugu baaqday mucaaradka ayaa yidhi. “Xukuumaddu waxay sheegtay in gogol ay fidinayaa, taasoo lagaga hadlayo khilaafkii ay abuurtay muddo-kordhintii ay guurtidu samaysay, khilaafkaas oo aanu hore uga dignay WADDANI ahaan. Waxaanu leenahay madaxweynaha ama madaxweyne ku-xigeenka ma xuma in gogol la dhigaa, khilaafna in laga wada-hadlaa ma xuma, laakiin waxaanu fahmi waynay oo ummada reer Somaliland-na fahmi wayday, go’aanka guurtidu waa muqadas iyo waxa laga wada-hadalayaa khilaafkii go’aankaasi abuuray laba is-qabata marnaba maaha, maxaa laga wada hadlayaa haddaanay laga wada-hadlayn muddadaas sharci-darada ah ee qayrul dastuuriga ah ee guurtidu go’aamisay ee xukuumadduna daba ka riixaysay, waxaanu leenahay aynu wada-hadalno ma xuma, laakiin waxa laga wada-hadlaya bi shuruud sida uu madaxweyne ku-xigeenku sheegay khilaafka ka dhashay muddo kordhinta ay guurtidu xukuumadda u samaysay kaasuun waa in laga wada-hadlaan.”

Somalilandpost.netBuubaa-1