Xisbiga Waddani oo Saxaafadda Madaxa-bannaan iyo Qoyskii uu ka baxay ka tacsiyeeyey Geerida Xoghayihii SOLJA

wadanuHargeysa (SLpost)- Hoggaanka Sare ee Xisbiga Waddani, ayaa saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland iyo Qoyskii uu ka baxay tacsiyadeeyey Geerida Alle u naxariistee Xoghayihii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dhambaal Tacsi ah oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa u qornaa sidan: “Aniga oo ku hadlaya magaca Xisbiga Waddani guud ahaan, Guddoomiyaha iyo Hoggaanka Xisbiga, Guddida Fulinta, Guddiyada Gobollada iyo Degmooyinka, Guddiyada Laamaha Dibadda iyo dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani, waxaanu halkan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo bahda warbaahinta Somaliland, geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax Caalin, mulkiilihii iyo tifaf-tirihii Saxafi Media Group oo isla markaana ahaa Xoghayihii Guud ee Ururka Suxuufiyiinta Somalland ee SOLJA.

Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Aammiin.”