Xisbiga WADDANI oo Naqdiyey Doorashadii Musharixiinta Kulmiye, Kana Hadlay Shaqaaqadii Ceerigaabo

 

Hargeysa(SLpost) – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay inay ka xun yihiin shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo booliska iyo shacab mudaharaadayaa iskaga horyimaadeen.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa bulshada Ceerigaabo ku booriyay inay ilaashadaan ammaankooda iyo wada jirkooda. Waxa uu sidoo kale xukumadda ugu baaqay inay dhibka ka dayso bulshada reer Ceerigaabo.

Geesta kale Mr Uurcadde, wuxuu sheegay inaan lagu kalsoonaan karrin xukumadda habsami u maamuli karri wayday xisbigeeda Kulmiye. Wuxuu sidoo kale naqdiyay sidii madaxweyne Siilaanyo dhex ugu noqon waayay madaxweyne xigeenkiisa iyo wasiirkiisa caafimaadka, islamarkaana ugu codeeyay Cabdiraxmaan Saylici.