Xisbiga Waddani oo Munaasibad Laysku Arkay ku qaabilay Siyaasiyiin iyo Taageerayaal Cusub oo ku biiray

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa maanta munaasibad soo-dhawayn ah u sameeyey Siyaasiyiin iyo Taageerayaal Cusub oo xisbigaas ku biiray, kuwaas ooh ore uga tirsanaan jiray Xisbiyada UCID iyo Kulmiye.

Munaasibad u qabsoontay Hotel Crown ee magaalada Hargeysa, ayaa Xisbigu ku qaabilay Xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga doroashooyinka Somaliland ee wakhtigoodu dhammaaday, balse aan weli xilka wareejin Cali Xasan Cismaan (Cali-Kubbad), Xoghayihii hore ee Maaliyadda Xisbiga UCID Faadumo Siciid, Dhalinyaro Rag iyo Haweenba leh iyo Taageerayaal kale.

wGuddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, masuuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee WADDANI, xildhibaano, madaxdhaqameed, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan, ayaa ka qayb-galay munaasibadda maanta lagu soo dhaweeyey taageerayaasha cusub ee Waddani.

Ugu horeyn, waxa munaasibadda ka hadlay, guddoomiye ku xigeenkii hore ee Komishanka doorashooyinka Md Cali-Khadar Xasan Cismaan, waxaanu uu halkaas ka caddeeyey in uu si rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

“Intii aan Komishanka Doorashooyinka ku jiray,waxaan indho-indhaynayay cidii aan ku biiri lahaa.Markaas waxaan go’aansaday in aan ku biiro xisbiga WADDANI,markii aan arkay cadaalad darada xukuumada maanta talada dalka haysa hadheeyey,miyaad argteen nin lagu yidhi markaanu aragnay inaad madhan tahay oo aanad xilka hanan karin xilkii waanu kaa qaadnay hadana lagu soo celiyay,waa cadooyinka xukuumada maanta talada dalka haysa”Ayuu yidhi Md:Cali Kubad.

ereMd Cali Xasan Cismaan(Cali Kubad) oo sida oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaan Doonayaa Inaan Hadal Dar-daaran Ah Halkan Uga Diro Madaxwaynaha somaliland,Waanu ku jecel-nahay Nin Wayn Ayaad Tahay,Nin Da’ah Ayaad tahay,Xaalado Ayaa yimid Madaxwayne Waxaad u Baahan tahay inaad Nasato,Si Aanu Magacaagu Hoosta u Galin,Mandeela Madaxwayne Siilaanyo Meel Ayuu ka Shabahaa Lakiin waxa uu Noqon Karaan Hadii uu Xilka Ka Dago”.

Xoghayihii hore ee maaliyada xisbiga mucaaradka ah ee UCID Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo iyaduna sida oo kale halkaasi ka hadashay isla mar ahaana hore ugu dhawaaqday in ay ku soo biirtay xisbiga WADDANI ayaa waxaa ay halkaasi ka sheegtay in ay doonayso in la helo isbeddel dhab ah.

cc“Anigu Cabdiraxmaan umaan raacin wax kale waa inadeerkay guud, nin Ciise Muuse Ahna Maaha, waxaan u raacay inaan muj-tamaca Somaliland tuso in aanan u raacin qab-yaalad taasina waata xisbiga KULMIYE ragaadisay,anigu waxaan ahay isbadal doon ma ahi qabyaalada doon,anigu waxaan doonayaa wadan cadaalad ku dhisan,ma doonayo wadan habeenka madaw dumarka iyo caruurta loo daato”Ayey tidhi marwo Faadumo Siciid Ibraahim.

Guddoomiyahii hore ee gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarji oo isna Kulan kaasi Ka hadlay Ayaa soo dhaweeyey tageerayaasha ku soo biiray xisbiga WADDANI waxaana uu yidhi, “Wax badan oo xukuumadu qabatay way-jiraan laakiin waxa bar-bar socda shan laabkeeda oo khalad ah,horta hogaanka dalka yaa haya ayaa lagu cel-celiyaa runta aan idiin sheegee madaxwayne ma jiro lakiin madaxtooyada ayaa jirta,waxaanan baaq u dirayaa tageerayaasha xisbiga WADDANI iyo kuwa kaleba waxaan leeyahay balanteenu waa WADDANI.”

Sidoo kale masuuliyiintii la soo dhawaynayay oo ay ka mid ahayeen dhalinyaro siyaasiiyiin ka soo kala jeeda magaalooyinka Hargaysa iyo saaxil ayaa waxa ka mid ahaa degmooyinka 26-tanka Juun,ururka sheekh madar,ururka dhalinyarada Almis,Ururka haweenka Duniya,Somaliland Organization Girls iyo Siyaasiyiin Magac Dalka ku leh,Waxaan ay dhamaantood cadeyeen in ay tageeradooda ku mideyna yaan Xisbiga WADDANI.”

Boobe Yuusuf Ducaale oo ka Mid Ah Maasuuliyiinta Sar-sare Ee Xisbiga WADDANI oo isna Munaasibada ka Hadlay, ayaa yidhi, “Xukuumada maanta talada dalka haysaa waxa ay nagu Wareerisay guulaha aanu gaadhno masheegtaa daraad madaxwaynaha Somaliland waxa uu xadhiga ka Jaray daar qurux badan oo loo dhisay wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland,dadka waxa ay is waydiinayaa maxaa lagu qabtaa,telefoonada waa Gaar,Internaydki guri walba wuu yaal,isgaadhsiinta waa bareefada rag leeyihiin,markaas wasaarada boosahu maxay qabataa,xukuumada waxaanu wax qabad u qiri doonaa marka ay la timaado wax bil aadan galay”Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

rerGebogabadii Munaasibadda waxa ka hadlay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaana uu yidhi, ”Waxaan si weyn aan u soo dhawaynayaa dhamaan,masuuliyiinta taageerayaasha,siyaasiyiinta,dhalinyarada,haweenka,iyo wax garadka kale ee halkan ka cadeeyey maanta,taageeradooda iyo ku biirista xisbiga WADDANI,waxaan si gaar ah aan u xusayaa mujaahidka weyn ee xisbiga mudane Cabdi Raygal Beegsi, oo aad iyo aad xafladan u soo bilay iyo taageerayaal kale oo iyaguna aad u badan isla mar ahaantaana aan markii hore is cadaynin, se maanta is cadeeyey.

Waxaan si gaar ah aan u xusayaa marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo runtii hadaladeedii qiimaha la hayd ee ay halkan ka tidhi ay dhagaheena ku sii raagi doonaan iyo dhamaanba taageerayaasha Faadumo ee ay kala hadashay qalabka warbaahinta,kuwa inala jooga iyo kuwa inaga maqanba.Waxaan aad iyo aad u so dhawaynayaa Mudane Cali Kubbad oo ah saaxiibkay komishankii horena ka tirsan,maantana halkan ka cadeeyey in uu ku soo biiray xisbiga WADDANI iyo dhamaanba taageerayaashiisa.Waxaan xisbiga ku soo dhawaynayaa dhalinyarada 26-June,waxaan ku soo dhawaynayaa dhalinyarada Sheekh Madar Foundation,waxaan ku soo dhawaynayaa Somaliland Girls Organization, waxaan ku soo dhawaynayaa Ururka dhalinyarada Almis,waxaan ku soo dhawaynaya Ururka haweenka ee Duniya iyo dhamaanba taageerayaasha kale ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI,waxaanan leeyahay soo dhawaada kuna soo dhawaada gacmo furan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Somalilandpost.net