Xisbiga Waddani Oo Munaasibad Ballaadhan Ku Qaabilay Dhalinyaradii Ugu Tirada Badnayd Ee Bariga Burco Iyo Nuxurka Khudbad Musharax Ciro U Jeediyey

Gudoomiyaha xisbiga WaddaniBurco (SLpost)- Masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga Waddani ee socdaalka ku jooga magaalada Burco ayaa kulan balaadhan oo lagu xoojinayo taageerada xisbiga Waddani waxa ay la yeesheen dhalinyarada ku midoobay daladda MA-HIIGAAN ee bariga magaalada Burco.

Kulankan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacay hotel New Burco ayaa waxa ka soo qayb galay dhalinyarada dalada Ma-hiigaan, cuqaal iyo odayaal ka soo jeeda Bariga Magaalada Burco iyo Masuuliyiinta xisbiga Waddani oo uu ay horkacayo Musharaxa xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) iyo Hogaamiyaha xisbigaasi Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Shirkaasi dhalinyarada bariga Burco ay la yeesheen masuuliyiinta xisbiga Waddani oo ay hadalo ka soo jeediyeen dhalinyarada dalada Ma-hiigaan oo sheegay inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin xisbiga Waddani, ayaa Masuuliyiinta xisbigaasi ay iyaguna halkaasi khudbado kala duwan uga jeediyeen, waxaana ugu horayn halkaasi khudbad dhinacyo badan taabatay ka jeediyey Gudoomiyaha xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Ciro, kaas oo sheegay in dhalinyarada Ma-hiigaan looga fadhiyo inay iyagu noqdaan kuwa keena isbedelka ugu weyn ee xisbiga Waddani, waxaanu ku bogaadiyey dhalinyaradaasi inay meesha ka saareen qabyaaladii iyo qoqobkii bulshada Burco.

WaddaniGudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin Sayladii Xoolaha nool ee Burco oo ahayd ta ugu weyn dhulka Soomaalidu degto oo lafdhabar u ahayd dhaqaalaha Somaliland inay noqoto goob qashinka lagu ururiyo.

Waxaanu gudoomiyuhu ku bilaabay khudbadiisa oo uu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa, una hambalyeynayaa ururka dhalinyarada ee Mahiigaan, waxaan aaminsanahay waa doorka ugu weyn ayaa la yidhi, markaa waxay ila tahay oo aan rajaynayaa in isbedelka ugu weyn ee xisbiga Waddani in ururka Mahiigaan keeno hadii illaahay ka dhigo.

Waxaan idinku bogaadinayaa oon idiinku hambalyeynayaa awood in aad u yeelateen wax badan oo odayaasha aniga ila mid ahi aanay ku guulaysan oo waxaad ku dhiirateen in qabyaalada aad uf tidhaahdaan ood Burco midaysaan.

Dhalinyarada Burco iyo Gudoomiye CiroMustaqbalka dhalinyaradaa leh, waxaad wax isku tihiin ka aad mulcaamada wada-dhigataan, waxaad walaalo tihiin ka aad iskuulka wada dhigataan, waxaad wax isku tihiin ka aad isku deegaanka wada-tihiin, waxaad ku dhiirateen in gidaaradii qoqobka aad burburisaan oo aad ku dhiirataan in aad tidhaahdaan qabyaalada Uf, dadku ha midoobo, anaguna waxaanu idinku taageeraynaa barnaamijkiina, kiina ayaanu idinkula shaqaynaynaa, waynu midaynaynaa Somaliland iyo Burco-ba.

Waxaanu qorshaynaynaa mustaqbalka dhaw oo aan fogayn in aanu dhalinyarada u qabano kulan weyn, gaar ahaan aqoonyahanka iyo dhalinyarada dhigata Jaamacadaha gobolada Jamhuuriyada Somaliland oo dhan, waanu soo sheegi doonaa goobta aanu ku qabanayno, waxaanu uga dan leenahay in aanu wax idinka weydiino barnaamijka siyaasiga ee xisbiga iyo talada waddanka sida loo maamulayo taladana waxbaad ku yeelanaysaan hadii Alle yidhaa.

Kulanka Dhalinyarada iyo Gudoomiye CiroBurco, calaamadeeda ugu weyni waxa ay ahayd calaamada lafdhabarta dhaqaalaha Somaliland, waxay ahayd saylada xoolaha ugu weyn dhulka Soomaalidu degto, ka Kililka Shanaad dega, ka Baydhabo dega, haday tahay ka Kismaayo degaba, ka Gaalkacayo dega, Saylada ugu weyn ee xooluhu Soomaalidu waxay ahayd Burco, dhaqaalaha Somaliland-na waxa uu ku dhisnaa xoolahaas, waxaaba la igu yidhi meel xashiishka lagu guro ayaaba laga dhigay sayladii xoolaha Burco, waanu soo celinaynaa waayo dhaqaalaheedu Somaliland iyo dakhliga xukuumaduba waxa uu ku dhisnaa xoolaha nool, insha alaahu cashuurtana waxaynu u qaybin doonaa si cadaalad ah.

Baryahan waxa la waday Madaarka Burco, wixii laga qabtay waanu ku mahadnaqaynaa, laakiin diyaaraduhu ma soo fadhiistaan, diyaaradaha ayaanu soo fadhiisin doonaa insha alaahu, waxaanu dhamaystiraynaa wixii shaqo ah ee ka dhiman hadii ilaahay ka dhigo.

Waxa Kulmiye lagu xasuusan doonaa dhibka ugu weyn ee uu kaga tagay Somaliland waa rajo beel, shacbiga Somaliland wuu ka rajo belay Kulmiye, insha Allaahu, xisbiga Waddani waxa ugu horeeya ee uu qaban doonaa waa dadka oo uu rajada usoo celiyo, waxaanu ugu talo galnay shaqaalaha dawlada iyo shaqaalaha hay’adaha caalamiga ahba in boqolkiiba Afartan (40%) dhalinyarada la siiyo si cadaalad ahna loogu qaybiyo oo ku salaysan tartan, hadii alle ka dhigo.

Ugu dambayn waxa aan u mahadnaqayaa shacbiga magaalada Burco iyo dhamaan deegaamadii aanu soo marnay shalay, anagu waxaanu nidhi yaan nala soo dhaweynin, laakiin shacbigaa naga diiday oo iyagu na soo dhaweeyey, waxaad samayseen dhul-gariir, waxaan is-weydiiyey Burco oo aad tidhaahdaan na soo dhaweeya sideebay soo dhaweyntu u ekaan lahayd?

Waxa kale oo aan u mahad naqayaa abwaanadii halkan suugaanta inagu tuur-tuuray, runtii waxay wax inoogu sheegeen hab farshaxan ah oo suugaaneed oo dhagaheena aad u culay, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Odayaasha inagala soo qayb galay kulankan ama shirkan dhamaantood haday yihiin Cuqaal iyo Salaadiinba. Waxa aan u mahadnaqayaa Saxaafada Madaxabanaan, ta Hargeysi aad uma madaxbanaana, laakiin Saxaafada Burco aadbay u madaxbanaan tahay oo aadbaan ugu mahadnaqayaa.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

 

https://www.youtube.com/watch?v=2Fidz1kTyGo