Xisbiga Waddani oo Mar kale Ugu baaqay Xukuumadda Siilaanyo inay Iska Casisho Hoggaaminta Talada Dalka

abdirashi riyoraacHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa qul-qulatooyinka ka dhashay biyo-yaraanta ka taagan caasimadda Hargeysa ku tilmaamay mid ka tarjumaysa heerka maamul ee xukuumadda talada haysaa wakhtigan ku hoggaaminayso dalka, iyaga oo taas ku sababeeyey in la lunsaday lacag Midowga Yurub ugu talo-galay ballaadhinta biyo-gelinta magaalada Hargeysa.

Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga Waddani Cabdirashiid Maxamuud Cali iyo Mustafe Maxamed Qodax oo ka tirsan Guddiga Fulinta ee xisbigaas oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa ku dooday in xisbigoodu ka war-hayo inay xukuumaddu lunsatay Adduun lacageed oo gaadhay 40 Milyan oo Midowga Yurub ugu talo-galay biyo-gelinta caasimadda.

Mr Cabdirashiid Maxamuud oo halkaas ka hadlay, waxa uu ku dooday inay xukuumaddu saddex-laabtay lacagta biyaha ee laga Qaado xaafadaha magaalada oo aan markii horeba heli jirin biyo ku filan, waxaanu yidhi, “Xukuumadda waxa laga rabay in dalka iyo dadku Priority (Mudnaan) kala yeeshaan. Waxa caddaaday inaanay xukuumaddani lahayn meel ay mudnaan siinayso, waxaana caddeynaysa in caasimaddii dalka lagu biyo-la’yahay oo lagu bakhtiyayo, in dadkii jilicsanaa aanay biyo haysan, in dhismihii iyo noloshii istaagtay, in shaqadii istaagtay. Waxa la ogyahay in xukuumaddani ugu timi biyaha Hargeysa inta yar ee soo gaadha qiime dhan 600,000 Sh/SL, imikana ay marinayso oo ka dhigtay 3 Milyan oo Shilin, haddana dadkii uu sidaas u biyo la’yahay.”

“Wuxuu ogyahay xisbiga Waddani in la cunay Afartankii Milyan ee Midowga Yurub ugu deeqday caasimadda Hargeysa in biyo-gelin loogu sameeyo. Waxay soo gaadhay in gaadiidkii lahaa ee umaddaa jilicsan lagu qasbo wax aanay qaadi Karin iyo culays la saaro, markay ka cawdeen ee ay mudaharaad ku muujiyeen tabashoodana loo adeegsaday RRU oo xabsiyada lagu guray,” ayuu yidhi Mr Cabdirashiid.

Mr Cabdirashiid Maxamuud waxa uu ku tilmaamay xukuumadda mid danaheeda gaar ahaan ka horreysiinaya nolosha Shacabka ay masuulka ka tahay, waxaanu yidhi, “Xukuumadda Kulmiye waxa ay kala dooratay Lixdan Dollar oo booyadda masaakiinta waraabinaysa ka qaaddo iyo noloshii dadka, waxaanay dooray Lixdankaa Dollar. Waxa la ogyahay waxa ka dhacaya Ceerigaabo, Saylac iyo Berbera oo dhammaantood salka ku haya Lixdankaa Dollar ee ay xukuumaddu ka dooratay dadkeedii, hannaankii iyo dawladnimadii.

Waxaanu cod-dheer ku leenahay, xukuumaddani waa mid la soo doortay, meesha may xoogin, Qori kumay iman, waxaanu ugu baaqaynaa inay dadkeeda dhegaysato oo dhibaatooyinka meel kasta ka taagan ay soo af-jarto.”

Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Waddani, waxa uu sheegay inay xukuumadda Xisbiga Kulmiye ka gaabisay kaalinteedii hoggaamineed ee dalka, isla markaana ay mar kale ugu baaqayaan inay iska wareejiso hoggaanka talada dalka. “Horaanu u nidhi Xukuumaddu xilkeedii way ka soo bixi weyday ee Ha is-casisho, maantana waanu ku celinaynaa oo waxaanu leenahay marka ay intaas oo dhibaato ahi taagan tahay, haddii dimuqraadiyadi jirto, haddii dalka loo naxayo,haddii caqli lagu shaqaynayo, xukuumaddu xilkeedii way gudan kari wayday, wax kale oo aanu u sheegno garan-maynee, waxaanu Illaahay uga rejaynaynaa inuu Caqli Saliimka ahi ku soo noqdo oo aragto nolosha dadkeeda iyo dhibaatada jirta.”

Masuulkani waxa uu ugu dambayntii baaq u diray gaadiidleyda biyaha u dhaamiya xaafadaha magaalada, “Waxaan baaq u dirayaa dadka booyada leh, waxaanu leenahay wax kasta oo aad qabtaan waa la ogyahay, Illaahaybaa meel kale idinka cawili doona ee umaddiina u naxa oo magaalada hala waraabiyo oo dadku yaanu innaga bakhtiyin,” ayuu yidhi.

Mustafe Maxamuud Qodax oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ee WADDANI, ayaa isaguna nasiib-darro ku tilmaamay in xukuumaddu ay sababtay biyo la’aanta ba’an ee soo food-saartay Magaalada Hargeysa.

Mustafe Maxamuud Qodax waxa uu xukuumadda ku eedeeyay inaanay danayn shacbiga biyaha beelay, hase yeeshee ay awoodda saarayso oo kaliya urursiga cashuuro xad dhaaf ah oo ay shacbiga ku soo rogtay.

SOMALILANDPOST.NET