Xisbiga Waddani oo mar kale kalsooni-darro ka muujiyey cadaaladda Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay inaanay ku qanacsanayn isla markaana kalsoonida kala noqdeen Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee xilka haya, waxaanu xisbigu soo jeediyey in la beddelo xubnaha ka hor inta aanay dalka ka qabsoomin doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Xisbiga Waddani oo hore kalsoonida ugala noqday xubnaha guddiga doorashooyinka, waxa uu sheegay inaanay ku kalsoonayn cadaaladda guddiga doorashooyinka oo ay saluug ka muujiyeen, iyadoo doodda xisbigu salka ku hayso ama ka shidaal qaadanayso natiijada doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay bishii November ee sannadkii hore, isagoo xisbigu ka tirsanaya cadaalad-darro la xidhiidha natiijada doorashadaas.

HADDABA, MUUQAALKAN HOOSE KAGA BOGO WARBIXIN XAMBAARSAN GO’AAN MAR KALE XISBIGA WADDANI KALSOONIDA KAGALA NOQDAY GUDDIGA DOORASHOOYINKA