Xisbiga Waddani oo ku Adkaystay Fulinta Baaqii Guddoomiye Cirro u diray Taageerasha

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ku adkaystay inay qabanayaan isla markaana aanay waxba iska beddelin baaqii gudoomiyaha Xisbiga Waddani isugu yeedhay taageerayaasha Gobolka Maroodijeex inay isugu yimaaddaan xarunta Xisbiga Dhexe ee Xisbiga ee magaalada Hargeysa.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo caawa la hadlay saxaafadda waxa uu sheegay in inkastoo xukuumaddu ciidamo ku dul-daadisay Xarunta Dhexe ee Xisbiga ay maalinta Berri ah u ballansan yihiin inay Xarunta Xisbiga isugu yimaaddaan taageerayaasha Waddani ee gobolka Maroodijeex.

Afhayeenku waxa uu dhinaca kale eedaymo u jeediyey Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Maamulka Gobolka Maroodijeex ayaa sharci darro ku tilmaamay isu-soo baxa uu guddoomiyaha Waddani ugu baaqay Taageerayaasha gobolka, isla markaana aan loo baahnayn tallaabo ammaan darro u horseedi karta caasimadda.

Muuqaalka Hoose kaga bogo hadalka Afhayeenka Waddani