Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Go’aanka Maxkamadda Sare Ka Soo Baxay

Hargeysa  (SL.Post) sbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa taageeray go’aan ay maxkamadda sare ee Somaliland goor dhaweyd ku ayidday soo jeedintii madaxweynaha Somaliland ee ku saabsanayd kala qaadista doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiillada.

w466

Xisbiga WADDANI oo isagu haatan ka hor si adag uga horyimi soo jeedinta madaxweynaha, isla markaana dacwad arrintaas ka dhan ah u gudbiyey maxkamadda sare, ayaa haatan si buuxda u taageeray qaraarka maxkamadda sare,waxana xubno xisbigaas kamid ah oo uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee xisbigaas  Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde uu maxkamadda horteeda kaga dhawaaqay inay xisbi ahaan la dhacsan yihiin go’aanka maxkamadda sare ku taageertay kala qaadista doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiillada.

 

Halkan ka daawo.

Somalilandpost.net