Xisbiga Waddani oo ka dhex-toosay Gabiley iyo Taageerayaal uga diga-rogtay Xisbiga talada haya ee Kulmiye (SAWIRRO)

Gabiley (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa munaasibad soo-dhawayn ah magaalada Gabiley ugu qabtay taageerayaal u badan dhalinyaro oo ka diga-rogtay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ay xubno ka ahaayeen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xisbigaas, ayaa maanta shacabka magaaladaas soo-dhawayn ballaadhan ugu sameeyeen.

IMG_08321Taageerayaasha Xisbiga Waddani oo ku lebbisan Calanka midabkiisu Liimiga iyo madowga Isugu jiro, ayaa weftiga xisbiga waddani kaga hortagay duleedka magaalada meel u jirta 5 KM, waxaanay u soo galbiyeen dhinaca gudaha magaaladaas halkaas oo dadweyne tira-badan oo buux-dhaafiyey dhamaanba waddooyinka waaweyn ee hal bawlaha u ah magaalada Gabilay, iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay ku taageerayaan guddoomiye Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi (Cirro), iyaga oo markii dambe u galbiyey mid ka ah hoteellada magaalada oo xisbigu munaasibad ballaadhan ugu sameeyey taageerayaasha cusub ee ku biiray.

Ugu horeyn, waxa munaasibadda ka hadlay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobalka Gabiley oo soo dhaweeyey taageerayaasha ku biiray Xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi, “Waxaan u mahad celinayaa dhalinyarta reer Gabilaye,waxaa mahad iska leh Haweenka reer Gabiley ee sida fiican noo soo dhaweeyey,waxaa mahad iska leh Odayaasha reer Gabiley iyo Masuuliyiinta iyo dadka kale ee qiimaha badan leh ee ka qayb qaatay hawshan qiimaha badan leh. Waxaa maanta Xafladan loo qabtay oo barnaamijkan loo sameeyey waa dhalinyarta Gobalka Gabiley ee ku soo biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Dhalinyarta ku soo biirtay Xisbiga WADDANI awgeed ayaa maanta hogaankii Xisbiga WADDANI oo dhan ay halkan u yimaadeen sidii ay u soo dhawayn lahaayeen, waxaana dhalinyarooy Xisbigu si aada ugu faraxsan yahay ku soo biiritaanka aad ku soo biirteen. Haweenku hore ayaa ay ugu soo biireen, doorkoodana waa ay ka ciyaaraan, markastana kaalintooda waa ay muujiyaan, maanta se dhalinyarta ku soo biirtay Xisbiga WADDANI ayaanu si aada u soo dhawaynaynaa,” ayuu yidhi guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobalka Gabiley.

Maxamed Nuur Mooge (Shabeel) oo ku hadlayey afka dhalinyarada ku biirtay Xisbiga WADDANI, ayaa sababaha u go’aansadeen inay ku biiraan xisbiga Waddani ku sheegay barwaamijkiisa siyaasadeed oo qanciyey, waxaanu ballan-qaaday inay taageradooda la bar-bar istaagi doonaan xisbiga Waddani.

IMG_08691“Ururka Horseed waxaa uu ka mid ahaa Ururkii soo saaray Xisbiga KULMIYE ee abaalkoodii ka dhigay rasaas, ururkaasi maanta waxaa uu diyaar u yahay in aanu taageerno Xisbiga WADDANI. Waxaana aanu maanta halkan si balaadhan ugu soo dhawaynaynaa guddoomiyaha ahna Madaxweynaha Mustaqbalka dhaw, ku soo dhawaw ayaanu ku leenahay Madaxweyne Gobalka, Ururka Horseed waxaa uu ka kooban yahay dhamaanba Xubnihii muhiimka ahaa ee soo saaray Xisbiga KULMIYE xilligii dorashada, kadib markii aanu ku hungownay Xisbiga KULMIYE-na waxaanu go’aan sanay in aanu ku soo biirno oo aanu codkayaga iyo cududayadaba aanu ku muujino Xisbiga WADDANI,”ayuu yidhi Maxamed Nuur Mooge (Shabeel)

Guddoomiyihii Garabka dhalinyarada gobalka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE Subeer Maxamuud Xasan oo ka mid ahaa dhalinyarada maanta u diga-rogtay xisbiga Waddanni, ayaa faahfaahiyey sababaha ay uga baxeen xisbigoodii hore, waxaanu yidhi, “Waxaan ahaan jiray guddoomiyihii garabka dhalinyarta ee Xisbiga KULMIYE, waan kasoo baxay aniga iyo intii i raacsanaydba oo waxaanu maanta laga bilaabo aanu ku soo biirnay Xisbiga WADDANI,” ayuu yidhi.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Siyaasi Aadan Ruush, Xildhibaan Baar Siciid, Xildhibaan Bashiir Tukaale oo dhammaantood ka tirsan xisbigaas iyo Guddoomiyaha Afraad ee Xisbiga WADDANI, kuwaas oo dhammaantood qalbi furan ku qaabilay dhalinyarada ku biirtay xisbiga waddani.

IMG_10491Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo gebo-gabadii ka hadlay munaasibadda, ayaa soo dhaweeyey taageerayaasha cusub ee xisbigiisa ku soo biiray, waxaanu shacbiga gobolkaas oo uu u jeediyey ballan-qaadyada waxqabadyo kala duwan haddii uu doorashada ku guulaysto ugu baaqay inay doorashada soo socota codkooda u huraan xisbiga Waddani.

“Waxaan salaamaya dhalinyarada reer Gabiley ee go’aansaday inay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI. Sidoo kale, waxaan salaamayaa   Madaxda iyo taageerayaasha Xisibiga, madax dhaqameedka Gobolka, marti sharafta iyo Saxaafadda. Anniga oo ku hadlaya magacayga iyo dhamaan madaxda , hawlwadeenada, taageerayaasha WADDANI waxaan ku soo dhaweynayaa Dhalinyarada ku soo biiray Xisibiga WADDANI,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in xisbiga Waddani uu qaadanayo shuruudaha oo shacabka reer Gabiley uga baahan yahay xisbibiga, taas beddelkeedana waxa uu ka codsaday inay codkooda u huraan xisbiga, waxaanu yidhi, “Gabiley waa gobol muhiim ah, qani ah, leh taariikh fac weyn. Waa Gobol lagu xisaabtamo Codkiisa. Lixdan sano (60) ayaa reer Gabiley codaynayeen. Fariintaydda reer GABILEYwaxay tahay maanta codkiisa meel ku hubsada. Kuna Hubsada WADDANI. Gabiley shuruudaheeda, Xisibiga WADDANI wuu aqbalay. Ciyaartooyga reer Gabiley waxbaan la qaban doonaa insha allah. Tog-wajaale waa suuq weyn oo ganacsi. Insha allah waxaan qorshaha ugu jira in Togwajaale noqdo Suuq weyn oo xor ah (Free Zone).”

Ugu dambayntii waxa uu Guddoomiye Cirro tacsi u diray saraakiil Ciidanka Qaranka ka tirsan oo bishii hore Askari hubaysani ku dilay degmada Qorulugud ee gobolka Buuhoodle. “Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan shacbiga Somaliland iyo Reer Gabiley falkii lagu laayey saraakiisha ka tirsanaa Ciidanka Qaranka ee QORI LUGUD iyo Taliyihii Ciidanka Booliska ee Arabsiiyo. Dhaqanka ah ina la laayo saraakiisha amniga, waa dhaqan inagu cusub waana inuu istaagaa, kuwa falalkaas sameeyana in sharciga la hor keenaa. Ilaahay saraakiishaas ha u naxariisto,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.

Isu-soo-baxa, soo-dhawaynta shacabka iyo taageerayaasha reer Gabiley ku qaabileen madaxda xisbiga Waddani, ayaa noqonaya markii u horeysay ee Gabiley soo-dhawayn baaxaddan leh ugu soo baxaan xisbiga Waddani oo taageerayaal ballaadhan ku leh gobolkaas.

SOMALILANDPOST.NET