Xisbiga Waddani oo Jawaab ka bixiyey Hadalkii Guddoomiyaha Kulmiye

Hargeysa(SLpost)-Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye ayaa qoraal ay wada jir u soo saareen waxay ku dureen guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbigiisa Waddani oo ay dusha u saareen gacan ka hadalkii shirguddoonka golaha wakiillada Somaliland.

 

Qoraalka oo guddoomiyaha Kulmiye saxaafadda ugu akhriyay madaxtooyada waxaa lagu sheegay in dagaalkii shirguddoonku muujinayo dulqaad yarida guddoomiye Cirro, iyadoo lagu soo qaaday in reer Waddani u arkaan in Kuraastoodu tahay lama taabtaan.

Arrintaasi waxaa shalay jawaab ka bixiyay ku simaha guddoomiyaha ahna kuxigeenka koowaad ee Waddani Axmed Muumin Seed, oo saxaafadda kula hadlay Boorama, waxaanu sheegay in guddoomiye Muuse Biixi gar khaldan qaaday.

“Waxaan isleeyahay malaha Muuse Tv-yada ayaanu daawan. Eeda uu saarayo Guddoomiye Cirro-na waxaan leeyahay eedda guddoomiyuhu kaligii ma leh. Eeda ma lahayn guddoomiyuhu, waxa qabsaday iyo siday wax u dhaceenna dadkoo dhammi way ka dheregsanaayeen,” ayuu yidhi Mudane Seed.

Axmed Muumin Seed ayaa intaasi raaciyay “ Markaa Muuse waxaan leeyahay gar eexo ha galin waayo? Waxay wax u dhimaysaa mustaqbalkaaga siyaasadeed oo runtii horena taariikhdaada siyaasadeed wax badani kuugu yaaleen. Tanna haddaad ka gar naqdo oo wax khalad ah oo aan qofku qabin aad saarto waxay ku biiri doontaa waxyaabihii hore CV-ga kugu jiray. Waxaan leeyahay Muusow tv-yada dib u daawo sida arrinku u dhacayna dib u daawo markaa waxay ku qurux badan tahay inaad markaa jawaab ka bixiso.”

Hadalkii Muuse Biixii ee dhacdadii golaha wakiilada ayaa u dhiganaa sidan  “Gacan ka hadalkii dhex maray shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland, sharaf dhac iyo foolxumo ayuu ku ahaa qaran ka Somaliland, iyada oo labada odayba canaanta wada leeyihin, hadana somalidu waxay tidhaahdaa, ( hadii qooni timaado qardabo hadhay), sidaa darteed gudoomiyaha (Cirro) hadii uu ku gafay ku xigeen kiisu inuu gacan qaadaa milgihiisa may ahayn, laf jabka ugu wayna waxa uu ahaa markii laga daawaday warbaahinta gudoomiyiihii oo feedh ku garaacaya ku xigeenkiisa.  Muuqaal kaasi waxay su’aal galinaysaa, adkaysiga iyo taxamulka uu qofku u yeelan karo culayska siyaasadeed.

Waxaa dareen keeda leh, iyada oo haldoorkii xisbiga Wadani si qayaxan ay ugu taageereen gacan-kahadalkii gudoomiyahooda, waxay taasi tilmaamaysaa in xisbiga wadani isu raacsan yihiin gafka gacan ka hadalka gudoomiyohooda waana arrin khalad ku ah curfiga siyaasadeed ee Somaliland, xisbiga wadani waxaynu waydiinaynaa xilalka qaranka miyaan lagu iman doorasho.    Madaxwaynaha, ku xigeenka, xildhibaanada iyo shir gudoon kooduba miyaanu distoorku qeexayn inay ku imanayaan doorasho mise kursiga wadani ku fadhiistaa waa lama taabtaan.”