Xisbiga Waddani Oo Guurtida Ku Eedeeyay Inay Majaro-habaabinayaan Go’aan Hore Oo Loo Dhamaa

Hargeysa, (SLpost)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa farriin u diray golaha guurtida iyo guddidii dhawaan uu golahaasi u saaray kazoo talo-bixinta muddada loo kordhinayo xukuumadda talada haysa.

Masuuliyiinta xisbiga oo warbaahinta kula hadlay ayaa golaha guurtida waxay ugu baaqeen inay tixgeliyaan go’aankii ay soo saareen komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, taasoo ay ku sheegeen inay doorashada wakiillada iyo madaxtooyada ku qaban doonaan bisha june 1-deeda 2016.

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi. “Saddexda xisbi qaran, xukuumadda, komishanka iyo beesha caalamku waxay heshiis ku yihiin in doorashada muddadii uu komishanku qabtay lagu hirgeliyo.” ayuu yidhi xoghayuhu.

Waxaanu tilmaamay in golaha guurtidu ay majara habaabiyeen go’aan hore loo gaadhay oo loo dhamaa, waxaanu yidhi. “Waxa nasiib-darro ah oo aanu aad uga xunnahay guurtidu qarankan waxay ku leedahay qiimo weyn meelo badan iyo dhibaatooyin badanna way kazoo badbaadisay, waxaynu ku naqaanay in ummada nabad iyo wada-jir ay ku waday, waxa hadda muuqata in nabaddii, wanaagii iyo wada-jirkii intaba oo xisbiyadii oodhan, caalamkii iyo xukuumaddiiba ay isku raaceen inay dood galiyeen, iyagoo laga filayay inay ku raacaan.”

Somalilandpost.net