Xisbiga WADDANI oo eedaymo u jeediyey dhiggiisa UCID: “Xukuumadda ayuu la safan yahay”

CALI CANTARHargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa dhaliilo u jeediyey Xisbiga kale ee mucaaradka ah ee UCID oo ay ku tilmaameen inuu u hoggaansan yahay siyaasadda Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa talada dalka haysa.

Siyaasi Cali Cantar oo ka tirsan hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI oo qaybo ka tirsan warbaahinta maanta kula hadlay Hargeysa, ayaa tilmaamay in siyaasadda Xisbiga UCID baalmarsan tahay nidaamka xisbiyada mucaaradka ah sidaa awgeedna uu la safan yahay Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA SIYAASI CANTAR

https://www.youtube.com/watch?v=CBX6pqcGICk