Xisbiga WADDANI Oo Dhismaha Qaranimada Somaliland Ku Xidhay Taageerada Beesha Caalamka

Hargeysa  (SL.Post) Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa shacbiga ugu baaqay inay aanay u hogaansamin banaabaxyada ay Xukuumadda Somaliland ku difaacayso go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho oo beesha caalamku ay Madaxweynaha u soo jeedisay inuu la laabto go’aankaasi.

fadal

Xoghayaha arrimaha dibada xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in beesha caalmku ay tahay halka loo maro aqoonsiga dawladdnimada, waxaanu dawladda Somaliland ku eedeeyay inay jaah-wareerinayso shacbiga.

“Waxaan leeyahay oo aan u sheegayaa shacbiga reer Somaliland, haddii dawladeenu sharciga ilaalin oo ay ku dhaqmin, haddi xeerka iyo xidhiidhada ay la dhigatay beesha caalamka aanay fulinin wey biyo dhacaysaa. Gobolku (Geeska Afrika) gobol nabad ah, waxaynu aakhirka ku dambayn doonaa in sida meelaha kale ay baahi timaado oo wax dadkeenu diyaar u ahayn oo nabadooda ka shaqaysteen in la geyeysiiyo ayaa iman doonta.” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cismaan Fadal

Dr. Fadal waxa uu intaas ku daray, “Beesha caalamku waa meesha aynu Ictiraafka ka doonayno , Ictiraafka dariiqa loo marayaana waa afartan Safiir ee dalkooda inooga yimi ee la xag-xaganayo, maanta in dawladdeeni ay Mudaharaadka u qaban-qaabiso in beesha caalamka la eedeeyo oo dadka lagu diro, maxaa inoo hadhay?,  yaa inoo hadhay.” ayuu yidhi Xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga WADDANI

Xogayaha arrimaha dibada ee xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal waxa uu baaq u diray shacbiga Somaliland, waxaanu yidhi  “Dadkeenii, waxaanu leenahay waar dadkayagoow beesha caalamka yaan la idinku dirin, iyadaa Ictiraafku ku xidhan yahay, iyadaa (Beesha calaamka) shirarka iyo maalgashiga ganacsatadeenu iskugu imanayaan dhaqaaluhu ku xidhan yahay oo iyagay nabadgelyada iyo wada-shaqayntiinu ku xidhan tahay, iyagay Dimuqraadiyada iyo dawladdnimada la dhisayaa ku xidhan tahay. Waar  qof aan qori inagu qabsanin yuu cidla idin taagin.

 

Halkan ka daawo.

Somalilandpost.net