Xisbiga WADDANI oo Dhibaato Qaran ku Tilmaamay Musharaxiinta ku Loolamaya KULMIYE 

 

 

Hargeysa(SLpost)-Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe oo maanta xafiiskiisa ugu waramayey  ayaa waxa uu khadlay dhawr qodob oo uu sheegay in ay yihiin dhaliilaha dawladdan islamarkaana waxa uu duray jawaabtii madaxweynaha ee markii uu safarka ka soo laabtay. Boobe waxa kale oo uu nasiib darro qaranka ku habsatay ku sheegay musharixiinta ku baratamaya madaxweynanimada xisbiga Kulmiye.

 

Xogyaha warfaafintu waxa uu ka hadlay safarkii Madaxweynaha ee Ireland, waxaana uu yidhi “Dhibta waynnu arkaynaa oo xukuumadda aynnu aayaha ka sugaynaa waa taas sheekada innoo dhigaysa Ireland baa la tagay. Ireland xukuumad baa ka talisa oo raysal wasaaraye iyo wasiiraba leh, laakiin madaxweynuhu waa madax sharafeed sida Itoobiyadan iyo qaar kaloo badan, qaabka loogu tagayna qaab dawladnimo oo rasmiya muu ahayne qaabab kale oo silloon ayuu ahaa” Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

 

 

 

Muj. Boobe isaga oo ka hadlaya dhibaatada baratanka Kulmiye dhexdiisu qaranka ku keeni karo, waxaana uu yidhi “Dhibaatooyinka kale ee qarankan haysataa waa intan doobyaysa ee ku leh waannu sharaxanahay, ee iskood u caashaqay in ay noqdaan madaxweynaha ee aan shacabka aawadii u caashaqin”

 

 

Boobe isaga oo ka hadlaya waftigii komishanka ee la afduubay ayaa waxa uu sheegay in ay ahayd ayaan darro iyo waliba daciifnimo qaranka ku jirta oo macnaheedu tahay dalka in aannay Somaliland dalka meelaha qaar lahayn. Waxa kale oo uu tilmaamay in uu cabsi ka qabo wareejinta haamaha in ay ka timaado cawaaqib xumo oo shicibka qaar rasaas loo dhiibo.

 

Somalilandpost, Hargiesa Office.