Xisbiga Waddani oo Dhaliilo iyo Baaq Is-barkan u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilay inaanay shacabka wax xog iyo faahfaahin ka siinin kulankii madaxweynuhu magaalada Addis Ababa kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya todobaadkii hore.

Xoghayaha Guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisaba ugu baaqay inay shacabka xogg ka siiyaan safarkii uu dhawaan ugu baxay caasimada dalka Ethiopia iyo kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Mr Khadar, Xoghayaha xisbiga Waddani waxa uu tilmaamay in madaxda Somaliland ay caadaysatay marka ay safar tagaan in dadkii ay matalayeen ee ay u ceelalyo tageen marka ay soo noqdaan inaanay wax xog ah ka siinin safarkaasi.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani