Xisbiga Waddani Oo Daboolka Ka Qaaday In Faysal Cali Waraabe Guddoomiye Cirro Ugu Hanjabay Inuu Toogan Doono

Hargeysa(Slpost)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa u gudibiyay komishanka doorashooyinka dacwad ka dhan ah Faysal CalI Waraabe, oo ay sheegeen inuu xarunta komishanka dhexdiisa uu ka sheegay inuu toogan doono gudoomiye Cabdiraxman Cirro.

Qoraal arintan ku saabsan oo xisbu uu warbaahinta u soo diray waxa uu u dhignaa isaga oo dhamaystiran sidan “Annaga oo ah madaxda Xisbiga WADDANI waxanu halkan si sharaf iyo karaamo leh ugu soo gudbineynaa Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland dacwad hanjabaad dil-toogasho ah oo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe 08/03/2016 shir ka socday xarunta Koomishanka Doorashooyinka Qaranka dhexdiisa isagoo ugu hanjabay inuu xabbad ku dhufanayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane: Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro.

Shirkaas uu Guddoomiye Eng Faysal Cali Waraabe ka sameeyay hanjabaaddaas dilka-toogasho ah waxa goobjoog ka ahaa shan xubnood oo ka tirsan Koomishanka Doorashoyinka Qaranka iyo todoba xubnood oo wakiilada saddexda xisbi qaran u jooga Koomishanka.

Hanjabaadda Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe waxay si toos ah xadgudub ugu tahay ammaanka iyo xoriyadda shakhsiyeed ee Guddoomiyaha Golaha Wakillada Somaliland isla markaasna ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, sidoo kale waxay khatar ku tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha guud ee qaranka iyo geedi-socodka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda Somaliland.

Falkan uu ku kacay Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe wuxu lid ku yahay qodobada dastuurka ah ee ay ka midka yihiin qodobka 24aad iyo 25aad oo sheegaya xuquuqda qofka muwaadinka ah iyo dhawrsoonaanta sharaftiisa, magaciisa iyo xuquuqdiisa qof ahaaneed, waxa kale oo uu lid ku yahay xeerarka dalka ee dammaanad qaaday ammaanka muwaadinka iyo Xasaanadda masuuliyiinta qaranka iyo ammaanka guud ee Somaliland.

Haddaba Koomishanka Doorashooyinka Qaranka oo dhacdadan hanjabaadda dilka-toogasho ahi ay ka dhacday xaruntooda isla markaasna goobjoog ahaa, waxa xil ka saaranyahay inay talaabada ku habboon ka qaadaan, sidoo kalena hay’adaha kale ee qaranka ee ay khusayso arrintani inay iyaguna talaabada ku habboon ka qaadaan waajibkoodana ka gudtaan dhacdadan.Ugu dambayn Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxu u hoggaansanyahay dastuurka dalka iyo xeerarka ka farcama isla markaasna wuxu dhawrayaa anshaxa tartanka doorashooyinka, wuxuna tixgalin baaxad leh u hayaa go’aanada Komishanka Doorashooyinka Qaranka kasoo baxa.

 

ALLA MAHAD LEH