Xisbiga Waddani oo Qaadacay Xaalad Deg-deg ah oo Madaxweyne Biixi ku soo rogay Gobolka Sanaag

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa gebi ahaanba ku gacan-saydhay tallaabo dhinaca ammaanka ah oo madaxweynaha Somaliland ku soo rogay gobolka Sanaag, kaddib markii ay gobolkaas ka dhaceen dilal loo geystay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka iyo Dad shacab ahba.