Xisbiga UDUB oo muddeeyey wakhtiga Qabsoomidda Shirka Golaha Dhexe

Hargeysa, (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa wakhti go’an u qabtay qabsoomidda Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga, ka dib muddo badan oo dad daneeya siyaasadda Xisbigu dhegaha u taagayeen wakhtiga uu qabsoomayo shirka Golaha Dhexe ee Xisbigu.

Warsaxaafadeed kooban oo ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Shirka Muj. Rashiid. X. Cabdilaahi oo faah-faahin lagaga bixinayo goobta iyo wakhtiga uu shirka Xisbigu qabsoomayo ayaa u dhignaa sidan:

“Guddiga Qaban-Qaabada Xuska Toban Guurada  iyo Kalfadhiga labaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB  Waxay ku wargelinayaan dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee UDUB iyo Marti Sharafta lagu soo casumay  in  uu Shirku ku Qabsoomi doono EGAL CONVENTION CENTRE (Crown Hotel), 31 October, 2011  7.30 AM  Subaxnimo.

Waxa la idinka codsanayaa inaad wakhtiga dhawrtaan idinkoo mahadsan.”

Allaa Mahad Leh

Muj. Rashid Xaaji Cabdilahi Guleed

Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Shirka

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net