Xisbiga UCID oo xukuumadda ku dhaliilay go’aamada ay ka soo saartay Aafada Sicir-bararka

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa dhaliilay go’aamo wax lagaga qabanayo Aafada Sicir-bararka oo ay shalay shaaciyeen Guddi Xukuumadda ka tirsan oo madaxweynuhu u xilsaaray ka soo talobixinteeda.

Guddiga oo uu hoggaamiyo u yahay guddoomiyaha Banka Dhexe ayaa shalay soo saaray go’aamada oo saamaynaya shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa ka ganacsada Isku-beddelka Lacagaha.

Hadda masuuliyiin Xisbiga UCID ka tirsan oo saxaafadda la hadlay ayaa si adag u dhaliilay goaamadaas oo ay sheegeen inaanay waxba ka beddeli karin dhibaatada sicir bararka.

Muuqaalkan hoose ka dawo shir jaraa’id ay qabteen masuuliyiinta UCID.

https://youtu.be/xSiMu7WUgvY