Xisbiga UCID oo Xukuumadda iyo Wakiillada ku eedeeyey inay Hagar-daamo ku yihiin Qabsoomidda Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Guray) ayaa Xukuumadda talada haysa iyo Golaha Wakiillada ku eedeeyey inaanay oggoleyn doorasho loo dhan yahay oo wakhtiga loo muddeeyey kaga qabsoonta dalka.

Waxa uu ku dooday in Asxaabta Mucaaradka ahi tanaasul badan ka sameeyeen wakhtiga doorashada la qabanayo, sidaas darteedna go’aan kasta oo ka badalan kii Komishanku soo jeediyay ee muddeynta doorashada  oo guurtidu soo saarto aan la aqbali doonin.

Cali Maxamed Yuusuf oo saxaafadda kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in mucaaradku ku noqon doono mawqifkoodii hore ee ahaa in dawlad wadaag ah la sameeyo wixii ka dambeeya 26 June 2015.

cali-guray“Laba Arrin baynu dunida kula noolayn oo la inagu yaqaanay oo aynu la shir tagi jiray, waxay ahaayeen Dimuqraadiyadda iyo Nabad galyada. Cidda doonaysa labadaas inay burburisaa, miyaanu ahayn shirqool gabi ahaanba lagu mijo xaabinayo qaranimada Somaliland, iyadoo laga faa’iidaysanayo xaaladda Liidata ee Madaxweyne Siilaanyo oo aanu ognahay inaanu wax muddo kordhin ah doonayn oo uu waliba raali ka ahaa 26-ka June in doorasho dhacdo,” ayuu yidhi Cali Yuusuf.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Waxaa nasiib wanaag ah oo aad Internet-yada iyo Caalamkaba ku aragteen Shakhsiyaadka aanan hore Magacooda u sheegin ee aan u bixiyay doorasho diidka Somaliland , waa dhawr iyo toban qof oo rag iyo dumar bal eh, waana intaas inta Shirqoolka ka dambeysa. Guurtida maaha, guurtidu waa sidii ay awal ba ahayd  oo Lacag baa loo laabayaa, waxay qaadanayaan Laaluush, go’aankooduna Laaluushkaas buu ku xidhnaanayaa wax ku cusub na maaha.”

Gudoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID, waxa uu Wakiilada ku eedeeyay inaanay doorasho diyaar u ahayn, “Qoladan wakiiladu diyaar uma ah doorasho. Golaha wakiilada oo Cabdiraxmaan Cirro Gudoomiye ka yahay ilaa hadda may soo dhigin xeerkii lagu dooran lahaa,” Sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf.

“Go’aanka la dhawrayaa haddii wixii lagu heshiiyay uu taageero oo ay tahayna inuu taageero oo ay waliba duco raaciyaan dadkoodii oo Khilaafkii ka baxay oo doorasho ku heshiiyay oo gacmaha is haysata oo bulshada Caalamkuna la ogoshahay oo loo wada dhan. Mucaarad ahaan haddii go’aan kii Komishanka ka duwan ka soo baxo Guurtida, waxaa ugu horayn buraya heshiiskii ahaa in 1-da June 2016 doorashadu dhacdo, waxaana dib la iskugu soo noqonayaa halkii laga dhaqaaqay 2 sannadood iyo badh ka hor ee ahaa in haddii doorasho la qaban waayo 26-ka June 2015 inaan Madaxweyne Siilaanyo Madaxweyne noo ahayn, golaha wakiilada aanan aqoonsanayn,” Sidaas ayuu yidhi Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf.

SOMALILANDPOST.NET