Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo masuuliyiin Cusub u magacaabay xilal Xisbiga ka bannaannaaday

Hargaysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa masuuliyiin cusub u magacaabay xilal ka bannaanaa Xisbigaas iyo Qaar Cusub oo uu ku soo kordhiyey xilalka xisbigaas.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Eng Faysal Cali Waraabe oo lagu baahiyey magacyada masuuliyiinta iyo xilalka loo magacaabay, ayaa u qornaa sidan: “Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la magacaabo Xoghayayaasha Banaan ee Xisbiga UCID, markuu la tashaday Guddida Fullinta, markuu la tashaday Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID.

ucid

Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la magacaabo Xoghayayaasha Banaan ee Xisbiga UCID, markuu la tashaday Guddida Fullinta, markuu la tashaday Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Gudoomiyuhu isaga oo raacaya Qod 22aad Markuu ku qancay kartida iyo wax-qabadka ay leeyihiin waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 04/11/2013 uu magacaabay Xubnahan hoos ku qoran:

1.      Eng. Maxamed Mahdi Maxamuud (Buubaa) – Xoghayaha Maamulka & Qorshaynta ee Xisbiga UCID

2.      Maxamuud Cali Madoobe (Jiir) – Xoghayaha Dhalinyarada & Ciyaaraha ee Xisbiga UCID
3.      Cabdiraxmaan Axmed Cali –  Xoghayaha Arimaha Bulshada ee Xisbiga UCID
4.      Ismaaciil Cabdi Ismaaciil  – Gudoomiyaha Abaabulka & Wacyegelinta ee Gobolka M/Jeex ee Xisbiga UCID

ALLAA        MAHAD          LEH

Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Eng. Faysal Cali Waraabe:______