Xisbiga UCID oo ka hadlay Kulan Dhexmaray Guddoomiyahooda iyo Madaxweynaha Soomaaliya, baaqna u diray Taageerayaashooda

qodax-Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah UCID, ayaa ka hadlay Kulan dhex maray Guddoomiyaha Xisbigaas iyo Madaxweynaha Somalia, iyada oo dhanka kale taageerayaashooda ku baraarujiyey inay si weyn uga qayb-qaataan Xuska 18 May.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo maanta warbaahinta ugu Waramay magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay kulan Warbaahintu si weyn u qaadaa dhigtay oo dalka Ingiriiska ku dhex maray Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamud, waxaanu sheegay inaanu kulankaasi ahayn mid qorshaysnaa balse ku yimi si kedis ah.

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID waxaa baaq u diray Guud ahaan taageerayaasha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID oo ay ka dalbadeen inay Si Miisaan leh uga qayb qaataan dabaal-dega Qaran ee 22 Guurada ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland.

Cabdinaasir Qodax waxa kale oo uu Waxba kama jiraan ku tilmaamay Warar Sheegaya in Khilaaf soo kala dhex galay hoggaanka Xisbiga UCID, isagoo xusay in Xisbiga UCID uu meel u wada jeedo isla markaana arrintaa loola jeedo Jahawareerin, sida uu sheegay.

SOMALILANDPOST.NET