Xisbiga UCID Oo Eedo U Xambaariyay Dhiggiisa WADDANI

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaradka ah ee UCID ayaa ku eedeeyay xisbiga Waddani in aanu danayn in xal laga gaadho muddo kordhinta golaha guurtidu u sameeyay xukuumadda iyo  golaha Wakiiladda.cali-guray

Guddoomiye ku  xigeenka 3-aad  ee  xisbgia UCID   Cali Maxamed Yuusuf  (Cali Guray),  oo shalay warbaahinta la hadlay  waxa uu sheegay in wada hadaladii u socoday   labada xisbi mucaarad,  xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda ee ay kaga wada hadlayaan muddo kordhinta  golaha Guurtidu u sameeyeen  xukuumadda iyo golaha Wakiialda iyo dib u dhaca ku yimi doorashooyinka in aanu xisbiga WADDANI   la iman xal siyaasi ah  oo lagu heshiiyo isla markaana doorashooyinku ku qabsoomaan.

Mujaahid Cali, ayaa  u soo jeediyay xisbiga WADDANI  inay ka waantoobaan dacaayadaha ay ka fidinayaan xisbiga UCID, waxaanu ku hanjabay in aany  ka xisbi ahaan wax danbe dadka ka qarin doonin, bal se ay soo bandhigi doonaan natiijada ka soo baxda wada hadalada maanta ay isku soo hor fadhiisan doonaan xisbiyadda mucaaradka ah xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda.

“Waad  ogaydeen  maalintii wada hadaladu bilaabmayeen in aan soo jeediyay in saxaafada la daayo oo ay u gudbiyaan dadka masiirkooda dadka ka talinaya waxa ay ku hadlayaan lamina ogalaan, imikana dhuxudhux iyo dacaayado ayaa la wadaa”ayuu yidhi Cali Guray.

 

Waxa kale oo  uu sheegay in wada hadaladii u socday  saddex xisbi qaran iyo xukuumada in xisbiga Waddani  uu caqabad ku yahay in xal laga gaadho.  Waxaanu  yidhi “Garanay  Kulmiye waa xisbul  xaakim  dawlad iyo madaxweyne ayay is-dhex wataan, waxaanu  anaga  oo UCID ah iyo Waddani laba  xisbi oo mucaarad ah oo safkayagu inuu mid haado ay ahayd, laakiin marka la yidhi la kaalaya xal siyaasi ah  oo macnihiisu yahay in aan cidina teeda wada helin.

Waddani  taayadiina naguma raacin xal uu keenayna ma jirro,  iyaga ayaana dacaayadaha  suuqa ka wada waxaanu leenahay  madaxweyne ku xigeenku wuu noo markhaati furay in xisbiga UCID yahay xisbiga la yimid xal siyaasiya ama ha lagu raaco ama ha lagu diido, wax danboo inoo qarsoonaanayaa iyo wax danbe oo dadka laga qarinayaa ma jiro”.

“Haddii  maalinta Isniinta  ay noqoto anaguna halkayagii ayaanu  taaganahay, anaguna halkayagii ayaanu taaganahay, macnuhu waxa weeye doorasho ma dhacayso, doorasho waxa ay ku dhici kartaa waxa aynu ku heshiino” ayuu yidh Cali-gurey.

Somalilandpost.net