Xisbiga UCID oo Beeniyey war Xaasaasi ah oo laga Faafiyey Guddoomiyahooda

ucidHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmihii u dambeeyey ay qoraysay warbaahinta kala duwan ee Somalida kaas oo lagu sheegay in Guddoomiyaha Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe uu Xil u doontay Dawladda Somaliya.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Warfaafinta ee UCID, kaas oo u qornaa sidan:-

“Xisbida cadaalada iyo daryeelka ucid waxaa uu war saxaafadeedkan shacbiga somaliland ugu cadeynayaa in aaney haba yaraatee waxba ka jirin,isla markaana ay tahey dacayado raqiis ah oo been abuur ah.

Warar maalmahan u danbeeyey ay qorayeen qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee somaliland iyo somalia kuwaas oo sheegaya in gudoomiayaha xisbiga ucid eng:faysal cali waraabe uu ka dagey somalia,loona magacaabayo Raysal wasaaraha somalia

Hadaba xisbiga ucid waxaa uu war saxaafadeedkan ku cadeynayaa in aaney waxba ka jirin oo dad dano gaara lihi ay dacaayadahan wadaan

Gudoomiyaha xisbiga ucid waa astaanta somaliland,waxaaney ka dhigan tahey hadii faysal ka dago somalia cadceeda oo xaga qorax u dhaca ka soo baxdey

Sidaa daraadeed waxaanu cod dheer ku beenineynaa hadalkaa tashuushaka ah ee lagu soo dhextuurayo shacbiga reer somaliland ee wanaagsan

Ugu danbeyntii dadka hadalkaa been abuurka ah faafinaya waxaanu ugu baaqeynaaa cida aanu ku helno in talaabo sharciga waa faqsan aanu ka qaadi doono lana tiigsan doono maxkamad.”

Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga Ucid

Md Yusuf Keyse Alaahi