Xisbiga Ucid Oo Beeniyay Xubintii Komiishanka Ugu Jirtay Inay U Soo Gudbisay Warqad Iscasilaad Ah

 

Hargeysa(SLpost)-Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa beeniyay in warqadii iscasilaada ay u soo gudbisay xubintii xisbigaas ugu jirtay komishanka doorashooyinka Cabdifataax Ibraahin Sheekh.

waxa sidaas warbaahinta u sheegay xoghaye kuxigeenka ahana kusimaha xoghayaha Cabdinaasi Yuusuf Cismaan Qodax, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo arin ku soo noqnoqonaayay warbaahinta oo ahayd xubintii xisbiga Ucid ugu jirtay komishanka doorashooyinku ay is casishay, wax warqad ah oo is casilaad ah noomaysoogudbin xubintaasi, waxaanan u aragnaa waayo aragnimo ahaan iyo xog ahaanba xubintaasi waa ta kaliyaata ee ku dhex jirta komishanka, sabab kalfaysa inuu is casilaana hada ma jirto.”