Xisbiga UCID oo Aaminsan inaanay Doorasho Ka dhici Doonin dalka Wakhtigii loo muddeeyey

“Xukuumaddani waxay Caydh ka tahay Cadaaladda, hodan-na waxay ku tahay Dulmiga” – CALI GURAYHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID sheegay inaanay jirin doorasho dalka ka dhacaysa 26-ka June 2015-ka.Xisbigu wuxuu dib u dhaca doorashada ku eedeeyay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Xukumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye.

Shir Jaraa’id oo Xarunta Xisbiga ee Hargeysa ay ku qabteen Musharaxa Madaxweyne xigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan,Gudoomiye xigeenka Saddexaad Mujaahid Cali Guray, Xoghahaya Warfaafinta Yuusuf Kayse Cabdillaahi iyo Xubno kale oo sare ayaa lagu sheegay inaanay suuro gal ahayn doorashada dalka ka dhacaysa wakhtiga loo asteeyay ee ahaa 26-june-2015-ka. Waxa uu Xisbiga Ucid Sheegay in Maalmaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan Mawqifkooda dib u dhaca doorashada.

Guddoomiye Xigeenka Saddexaad Mujaahid Cali Guray ayaa Xisbiga UCIDu hadlay waxaanu ugu horrayn yidhi “Sababta ugu muhiimsan ee nagu kalliftay inaanu Shir Saxaafaddeedkan qabano waxa weeye inaanu Shacabka u gudbino halkay marayso Doorashadii iyo Xaqiiqada jirta oo runtii illaa hadda aanay jirin cid ku dhacday inay si cad dadka runta ugu sheegto.waxaanu doonaynaa inaanu markii u horaysay Shacbiga Somaliland si cad ugu sheegno in sida ay noogu muuqato aanay jirin Doorasho dalkan ka dhacaysa 26-ka June ee sanadkan.”

Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Guray waxa uu Xisbiga Waddani iyo Xukumadda iyo Kulmiye oo isku dhinac ah ku eedeeyay inaanay diyaar u ahayn doorasho wakhtigii loo asteeyay ku qabsoonta “Waraysigii u dambeeyay ee Madaxweynuhu TV-ga Qaranka siiyay,wuxuu lahaa Doorashadu wakhtigeedii bay ku qabsoomaysaa.Waad maqlayseen Qolyo kale(Waddani) oo iyaga laftoodu lahaa doorashadu waa inay 26-ka June dhacdo.

Haddii Doorashadu 26-ka June dhacayso waxay ahayd,in Saddexda Xisbi Qaran 26-kii June(2014) ka hor diyaariyaan Musharaxiintooda doorashada oo Golaha dhexe soo ansixiyo. Xisbigan Ucid Mooyaane, ilaa maalinkaas maanta ah ma jiro Xisbi Musharaxiintiisii soo saaray oo Golahooda dhexe soo ansixiyay.

Hadday run ka tahay in doorashadu Wakhtigeedii ku qabsoonto,Madaxweyne Siilaanyo waxay ahayd 26-ka December ka hor in Xisbiga Kulmiye fadhiisto oo Musharax haddii uu yahay soo ansixiyo Musharaxnimadiisa.Muu yeelin haddana wuxuu ku leeyahay Doorashadu wakhtigeedii bay ku dhacaysaa,taas waxaanu u aragnaa BEEN CAD OO DADKA LOO SHEEGAYO, doorasho 26-ka june dhacaysaana ma jirto.

Cali Guray waxa uu sheegay inay suuro gal ahayd in dalka doorasho wakhtigeedii ka dhacdo balse loo kasay in doorashadu dib u dhacdo “Haddii la dadaalo Dalka doorasho Way ka dhici karaysay suuro galna way ahayd in 26-ka june 2015-ka doorashadu dhacdo laakiin,waxaad goob joog ka ahaydeen sidii loola dagaalamay ee Xeerarkii loo burburiyay ee Xukumadda,Wakiilada iyo Guurtida oo iskaashanaya muddo 7 ama 8 bilood ah ay uga lumiyeen in 26-ka June Doorasho suuro gal noqoto.Nasiib darro way ku guulaysteen inaaan doorashadu ku qabsoomin wakhtigeedii,malaha iyagu guul bay u arkaane” ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray.

Somalilandpost.net