Xisbiga Talada haya ee KULMIYE oo Cayimay Wakhtiga Qabsoomidda Shirkooda Golaha Dhexe

Hargeysa, 05 April, 2012 (SLpost)- Xisbiga Talada haya ee KULMIYE ayaa shaaca ka qaaday in xisbigu shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga qabsanayo 14 Bishan April.

Waxa sidaa lagu sheegay shir-jaraa’id oo uu maanta Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Shabeel ku qabtay xafiiska Xisbiga ee Caasimadda Hargeysa, isaga oo dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga ee ku sugan dalka gudihiisa ay sida ugu dhakhsaha badan ku yimaaddaan xarunta Xisbiga ee caasimadda ugu dambayn 10-ka bishan April.

“Dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga, ha joogaan caasimadda Hargeysa ama Gobollada dalka, waxaanu faraynayaa inay xarunta xisbiga diyaar ku ahaadaan 10-ka bishan si ay u diyaarsadaan kaadhadhkooda xubinimada ay kaga qab-galayaan shirka golaha Dhexe,” sidaa ayuu yidhi guddoomiye Jaamac Shabeel oo isla markaana ah xubin ka tirsan golaha deegaanka ee Caasimadda.

Munaasibada ku dhawaaqida xiliga qabsoomida shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid oo labadooduba sheegay in mudo lagu soo hawlanaa qaban qaabada qabsoomida shirkan  isla markaana la go’aamiyay inuu shirka golaha dhexe qabsoomo 14 bishan aynu ku guda jirno.

Ku-dhawaaqista wakhtiga loo cayimay qabsoomidda shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa ka dambaysay ka dib markii guddiga Diiwaan-gelinta ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranku ay shaaca ka qaadeen in dhammaan ururrada cusub iyo saddexda Xisbi ee hore u jiray laga rabo inay qabsadaan shirweynahooda inta aan la gaadhin wakhtiga loo cayimay in la soo gebo-gabaynayo.

Guddiga Diiwaan-gelintu waxay xisbiyada hore u jiray ugu baaqeen in haddii ay qabsan waayaan shirkooda Golaha Dhexe ay ka hadhi doonaan tartanka Goleyaasha Deegaanka isla markaana ay waayi doonaan Mansabkooda Xisbinimo.

SOMALILANDPOST.net

webmaster@somalilandpost.net