Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Oo Canbaareeyay Dablayda Hubaysnayd Ee La Wareegay Goobta Gobalka Awdal

Hargeysa(SLpost)-Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa canbaareeyay dablayda la wareegtay goobta diiwaangalinta ee deegaanka Sabawanaag eee gobalka Awdal.

Waxa canbaarayntan kus axeexnaa Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE XASAN SICIID YUUSUF waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan “Xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaaraynayaa weerar lagu qaaday goob ay ka socotay diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ku taal deegaanka Hadayta oo hoostimaada degmada Lughaya ee Gobolka Awdal.

Weerarkan oo ay gaysteen koox dad abaabulan ahi maanta (17/01/2016), isla markaana hakad galisay habsami u socodkii hawsha diiwaangelinta ee goobsaati, waxa xisbiga KULMIYE u arkaa mid carqalad ku noqonaysa fulinta diiwaangelinta iyo nabadgalyada bulshadaba.

Sidoo kale, ficillada fawdada noocani ahi waxay ka horimanayaan dawladnimada iyo hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland, sidaasi darteed, waa in xukuumaddu tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ka qaado cid kasta oo ku lug lahayd weerarkan ka dhanka ah diiwaangelinta ka socotay ee deegaanka Hadayta.”