Xisbiga Syriza ee Giriiga oo kala jabay

Guriiga(SLpost)-Koox xildhibaana ah oo ka kooban 25 oo ka tirsan xisbiga bidix fog ee Syriza ee Mr Tsipras ayaa sheegaya in ay ka baxayaan xisbigaasi si ay u sameystaan xisbi cusub.

Maadaama aanu xisbi kaliya haysan taageero ku filan oo uu ku maamulo baarlamaanka ayaanan hannaankan la soo gebagabayn karin in la qabto doorasha kale oo guud mooyaanee.Siyaasiyiinta Giriigga ayaa maanta waxa ay qaadayaan tallaabooyin ku aadan doorashooyin cusub, kaddib markii uu iscasilay Ra’iisul Wasaare Alexis Tsipras.

150125174115_greece_syriza_624x351_afp

Madaxweynaha Giriiga ayaa lagu wadaa in uu waydiiyo axsaabta mucaaradka in ay awoodaan in ay soo dhisaan dowlad cusub, kaddib markii uu Khamiistii iscasilay Ra’iisul Wasaare Alexis Tsipras.

Mr Tsipras ayaa sheegay in uu xilka uga dagayo si uu ugu ogolaado dadka codkooda dhiibanaya in ay aragtidooda ka dhiibtaan heshiiska qorshaha samatabixinta ee dhaqaalaha ee uu la gaaray wadammada reer Yurub ee deynta siiya Giriigga.

Xigasho BBC