Xisbiga Saddexaad ee ugu weyn Inigiriiska oo dowladdooda iyo Caalamka ugu baaqay inay Aqoonsadaan Somaliland

London (SLpost)- Gudoomiyaha Xisbiga UKIP ee Ingiriiska Mr. Nigel Farage ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii Ingiriiska iyo beesha caalamku aqoonsan lahayd madaxbanaanida Somaliland, laguna abaalmarin lahaa xasiloonida ay gaadheen.

Guddoomiyaha xisbiga UKIP ee Ingiriiska oo kala qeybgalay xusbka madaxbanaanida Somaliland ee 18 May wakiilka Somaliland u qaabilsan Ingiriiska Cali Adan Cawaale ayaa sheegay in loo baahan yahay in Ingiriisku aqbalo codsiga rasmig ah ee shacabka Somaliland raadinayaan, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa, “Somaliland waxay ahayd hoygii nabada, dimoqraadiyada iyo cadaalada Geeska Afrika 24 sannadood u dambeeyey. Waxa la gaadhay wakhtigii Ingiriiska iyo Beesha caalamku aqbali lahaayeen madaxbanaanida Somaliland.”

UKIP leader Somaliland 18 MayMr. Farage ayaa hadalkiisa raaciyey, “In Ingiriisku dhabarka u jeediyey codsiga sharciga ah ee madaxbanaanida Somaliland waa khalad. Sannadihii u dambeeyey waxaan u ololeynay sidii wadamada sida Mozambique oo aan xidhiidh taariikheed la wadaagin Ingiriiska kaalin uga heli lahaayeen wadamadda Barwaaqo-sooranka, laakiin, Somaliland, ooh ore u ahaan jirtay maxmiyad meel cidlo ahayaan kaga dhaqaaqnay. Siyaasdaaa waa in la bedelaa. ”

Sidoo kale Xildhibaan James Carver oo afhayeen u ah xildhibaanada xisbiga UKIP ee baarlamaanka Yurub ayaa sidoo kale fariin taageero ku saabsan madaxbanaanida Somaliland ee 18 May u soo diray shacabka.

“Waxaan si kalgacal leh u taageerayaa qadiyadda madaxbanaanida, maalintan aad u dabaaldegaysaan qaranimada dalkiina. Fariintayda ugu wanaagsani waa saadaal in beesha caalamku aqoonsadaan qadiyadda madaxbanaanidiina. Maantana (shalay) waxaan fariintaydan taageeraada si shaqsi ah ugu gudbin doonaan madaxda Somaliland.”

Xisbiga UKIP oo saddexdii sannadood ee u dambeeyey kasbaday shacbiyad tiro badan saddexdii doorasho u dambeeyey, isla markaana kaalinta saddexaad kala wareegay xisbiga Liberal Democrats, ayaa ah Xisbiga kaliya ee taageersan qadiyadda madax-bannaanida Somaliland oo xildhibaannada iyo masuuliyiinta Xisbigaasi mooshinno ku saabsan hordhigeen baarlamaanka Midowga Yurub.

Xisbiga UKIP oo siyaasaddiisu u jan-jeedho dhinaca Midig, waxa uu u ololeeyaa sidii waddanka UK uga bixi lahaa xubinnimada Midowga Yurub, taas oo ka dhigtay Xisbiga xildhibaannada ugu badan ku leh baarlamaanka Midowga Yurub marka loo eego xisbiyada kale ee Ingiriiska. UKIP oo la aasaasay sannadkii 1993-kii, waxa uu siyaasadda dalka UK Saamayn Xooggan Ku yeeshay doorashadii sannadkii 2013-kii oo xisbigu kaalinta afraad ka galay tirada xildhibaannada goleyaasha deegaanka, halka uu kaalinta saddexaad ka galay doorashooyinka Guud ee waddankaas. Doorashooyinkii Guud ee sannadkan ka qabsoomay dalka UK, waxa uu xisbigu kaalinta saddexaad ka galay tirada codadkii laga dhiibtay doorashadaas oo xisbigu ka helay codad tiro badan.

Somalilandpost.net