Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID oo masuuliyiin Cusub Xilal u Magacaabay, tobaneeyo Xildhibaanada Golaha Guurtida ahna Munaasibad soo-dhaweyn ah u Sameeyey (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaridlka ah ee UCID ayaa u magacaabay Muuse Ismaaciil Qardhab inuu noqdo Afhayeenka guud ee Xisbigaasi, halka uu guddoomiye kuxigeenka Gobolka Maroodi-jeex-na ee Xisbiga UCID-na uu u magacaabay Xariir Daahir Aadan Faarax inuu noqdo.isla markaana waxay soo dhaweyn u sameeyeen tobaneeyo xildhibaan oo ka mida mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo shaaciyey inay si rasmiya ugu soo biireen Xisbiga UCID.

Munaasibadii loo sameeyey Magacaabista labadan xil ee cusub oo hore uga banaanaa Xisbiga, isla markaana waxa lagu soo dhaweeyey tobaneeyo Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo  maanta ku dhawaaqay inay ku soo biireen Xisbiga UCID,Xafladii loo sameeyey magacaabista ayaa maanta lagu qabtey Huteelka Dalxiis ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qeybgalay Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, iyo garabyada Xisbiga,saraakiil sar sare oo Xisbiga ah, Salaadiin, Cuqaal, Haween, Dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

16Murashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “U-jeedada aanu xafladan u sameynay waxa weeyaan inaan Xisbiga UCID u magacowno laba xubnood oo miisaan culus leh, labada xubnoodna ay noqonayaan hor-dhac, waxaanay labada xubnood kala yihiin Afhayeenka guud ee Xisbiga UCID ayaa waxaanu jecel-nahay inaan u magacowno Garyaqaan Muuse Ismaaciil Qardhab oo ah nin dhalinyaro aftahana oo sharcigana yaqaana, Af-Soomaaligana ILAAHAY u barakeeyey,waxaanan jecel-nahay inuu noqdo Afhayeenka ku hadlaya magaca Xisbiga UCID, oo imika kabacdi aanay cid-waliba ku hadal, Xisbigu marka uu leeyahay Afhayeen dadku meel ay ku suntadaan ayey leeyihiin, oo waxay odhanayaan Afhayeenka Xisbigu kalmadaasi ma yidhi,mise muu odhan? Marka uu Afhayeenku yidhaahdo kelmadaasi waxay noqonaysa mid rasmiya oo Xisbiga ka soo baxday, intayada kale marka anigana la igu darro ee aan hadlo waxaan ku hadlaynaa figradahayaga, laakin Afhayeenku waxa uu ku hadlayaa magaca Xisbiga oo isaga ayaa metela.Waxa kale oo aan jecel-nahay inaan guddoomiye kuxigeenka Gobolka maroodijeex aan u magacowno Xariir Daahir Aadan Faarax. Xubnahan maanta noo yimid waa xubno ka soo jeeda beel aad iyo aad qadarin ugu leh Somaliland, Markii aan Siyaasada dersayna waxaan idhi beeshiinu (Arab) meesha ay raacdo ayuun-ba guuleysata. Marka annaga fure ayey noo tahay waxaanan jecelnahay inta kale ee dhiman inay iyagu INSHA ALLAAHU horsed u noqdaan.”

15“Annaguna waxaanu doonaynaa calool wanaag iyo weji furan tusno oo marka horeba magacowno isla markiiba, oo aan tusno inaan Xisbiga UCID laga lahayn, Xisbiga UCID waa Xisbi qaran oo beelihii Somaliland oodhan way ku jiraan, waxaanan jecelnahay inaan beelkasta ku soo dhaweyno Xisbiga oo aanu Xisbigu ku suntanaan beelo gaara, haddii kale waxa uu noqonayaa Xisbi fadhiida oo aan weligii guuleysan annagu waxaanu halkan u nimid inaanu guuleysano oo aan umadda hagno”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

12Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdiraxmaan Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Berigii hore marka wax la magacaabayo waxa lagu arki jiray saxaafada uun,xafladani waxay dheer tahay oo ay wada-taa odayaasheedi,dhaqankeedii, haweenkeedii,dhalinyaradeedii,iyo dhamaan qeybihii bulshada ee kala duwanaa.Waa xafladii iigu horeysay ee aan arko ee magacaabis masuuliyiin Xisbiga UCID ah,kadib markii la-tashi baddan lala sameeyey oo munaasibadan loo sameeyey,waa laba xubnood oo xilal cusub loo magacaabay oo kala ah Afhayeenka guud Xisbiga UCID iyo guddoomiye kuxigeenka gobolka Maroodijeex”.

Prof Maxamed Jaamac Dhinbiil (Shiine) oo ka mida golaha dhexe ee Xisbiga UCID oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Anigu waxaan ahay reer Mareykan,Murashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen-a waa reer Mareykan, oo aqoon-yahan ah,waa qoraa, waxa uu wataa tacliin aad iyo aad u qiima baddan,haddii aanu nahay reer Mareykan mid mid ayaad naga aragtaan ee waxaan aamin-sanay inuu yahay Jamaal nin waddanka wax u qaban kara.Masuuliyiinta cusub ee uu Jamaal Cali Xuseen magacaabayna waan soo dhaweynaynaa”.

IMG_1681Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanay inaan idin kala soo qeybgalo xafladan loo sameeyey magacaabista masuuliyiinta cusub ee Xisbiga ku soo biirey,Murrashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen xaq baddan ayuu ku leeyahayXisbiga, berrigii hore Guddoomiyaha Xisbiga iyo murrashaxa madaxweynanimadu Faysal Cali Waraabe oo kaliya ayuu ahaa,laakin maanta waa la kala saarey, markaa awoodaha murashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID ayey xafladanina ka mid tahay”.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay in xafladan lagu soo marti-qaaday,isla markaana waxa uu ku dooday Xisbigii Salaadiin ahaan u yeedha ee sharfa inaanay diideyn ee ay u imanayan,isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Xisbiga UCID maaha Xisbi uu reeri leeyahay,waa Xisbi ka dhaxeeya umadda reer Somaliland,reer-walba waa laga helayaa,laakin haddii ay dadku u qaataan inuu Xisbigani CIIDA-GALE leeyahay waa ceeb,Xisbiga UCID maalin-walba waa lagu soo biirayaa oo dadka ku soo biirayaa cid-walba way leeyihiin min Gabooye,Samaroon,Isaaq ilaa Harti cidna albaabadiisu kama xidhna. Markaa waxaan idin leeyahay yaan Xisbiga la idinka burburinin, oo Siyaasiyiintiinu waa inaad tayada Xisbiga kor-u-qaadaan.Hogaanka Xisbigana waxaan leeyahay ILAAHAY guusha ha idin-siiyo.”

14Suldaan Cawil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Waxaan leeyahay Xisbiga UCID hambalyo,Xafladanina waa xaflad qiimo iyo qaayo leh,waxaanan leeyahay Xisbiga UCID ha jiro oo ha waaro,ILAAHAY-na guusha ha siiyo.”.

Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug oo ka mida mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Anigu waxaan soo dhaweynayaa magacaabista uu magacaabayo murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Afhayeenka cusub ee Xisbiga UCID Muuse Ismaaciil Qardhab, iyo guddoomiye kuxigeenka gobolka maroodijeex oo beeshayada (Arab) ka soo jeeda oo waan u mahad-naqayaa,waxaanan ka gudoomaya murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID labada xubnood ee uu magacaabay.”

“Waxaan qabaa labada Xisbi ee kale (KULMIYE iyo WADDANI) jagooyinkan ay Xisbiga UCID u magacaabayso beesha (Arab) iyo kuwa u soo socdaba inaanay labada Xisbi ee kale (KULMIYE iyo Waddani) midna aanu siinayn darajadan oo kale,Afhayeena KULMIYE iyo Waddani uma-hayo, guddoomiye kuxigeena uma hayaan.Markaa waxaaleeyahay qolooyinka (KULMIYE iyo Waddani) sida Xisbigan UCID oo kale jagooyin ka siiya beesha,haddii kalena beesha ha lugoynina ee UCID ayey kuwada biireysa.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdicasiis Gaaxnuug.

17Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo mida mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi“Masuuliyiinta cusub ee maanta labada xi lee cusub loo magacaabay waan soo dhaweynayaa oo hambalyo ayaan leeyahay.Waxaan halkan ka hambalyeynayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Saleebaan Garas Seef,Xildhibaan Abwaan Jaamac Riyo,Xildhibaan Mubaarig Axmed Carab, Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, iyo Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug, markaa waxaan leeyahay Golaha Guurtidu way ka soo dheereeyeen Golaha Wakiilada oo maanta intaas oo xildhibaan ayaa kaga soo biirey,taasi waxay muujinaysa inuu Xisbiga UCID yahay Xisbiga ugu da’ada-weyn labada Xisbi ee kale, markaa libinta waa la isku-qiraaye waxaan hambalyo leeyahay tirada intaa leeg ee Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ee Xisbiga ku soo biirtey iyo masuuliyiinta cusub ee maanta xilalka loo magacaabay oo waan soo dhaweynaya,waxanan leeyahay ILAAHAY xilka culus ee la idiin magacaabay ha idiin fududeeyo”.

Xildhibaan Abwaan Jaamac Riyo oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Markaa qiimeyn ku sameeyo Xisbiga UCID iyo labada Xisbi ee kale ee waddanka ka jira (KULMIYE iyo Waddani) waynu soo akhrisanay qaar oo aqooni inooguma laabna,waxaan filayaa inuu Xisbiga UCID yahay halka kaliya ee ay ku jirto bad-baadada Somaliland, taas awgeed waan ku taageerayaa”.

“Waxaan ka mid ahay aqalka Odayaasha ee Golaha Guurtida Somaliland waxaan taageerayaa Xisbigan UCID oo waan hambalyeynayaa,waxaanan kula talinayaa inay bulshada reer Somaliland gacan-siiyaan.”Ayuu yidhi Jaamac Riyo.

Xildhibaan Dayib Xasan oo ka mida mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland iyo Xildhibaan  Saleebaan Garas oo isna ka mida mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay bogaadiyeen Xisbiga UCID, isla markaana waxay soo dhaweeyeen labada Xubnood ee xilalka cusub Xisbiga UCID u magaaabay.

Niciima Cabdixakiin  oo hore u ahayd garabka haweenka ee Urur-siyaasadeedkii hadhay ee XAQSOOR oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay shaacisay inay si rasmi ah ugu soo biirtay Xisbiga UCID oo ay ku faraxsan tahay, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanay inaan ku soo biiray Xisbiga UCID,waxaanan noqon doona garab ka mida Xisbiga UCID, annaga oo ka soo baxnay Ururkii XAQSOOR”.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Afhayeenka Cusub ee Xisbiga UCID Muuse Ismaaciil Qardhab,  guddoomiye kuxigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga UCID Xariir Daahir Aadan Faarax waxaanay si isku mida ku soo dhaweeyeen xilalkan cusub ee loo magacaabay, isla markaana waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin xilalka uu Xisbiga UCID u magacaabay, iyaga oo balanqaaday inay si daacad iyo hawl-karnimo ku jirto shaqadooda uga soo bixi doonaan haddii ILAAHAY yidhaahdo.

Ugu danbeyna waxa halkaasi ka hadlay Boqor Raabi oo soo dhaweeyey labada xubnood ee cusub ee Xisbiga UCID u magacaabay xilalka, isaga oo ilaahay uga baryey inuu xilkaasi u fududeeyo. Xisbiga UCID-na ku bogaadiyey horumarka iyo talaabooyinka uu hore u qaaday isaga ku booriyey inuu halkaasi ka sii wado oo uu laban-laabo.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net