Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo Ku Gacan-saydhay Dhex-dhexaadin laga galo Khilaafka Axsaabta Qaranka

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ku gacan-saydhay Guddi dhex-dhexaadin ah oo loo xil-saaray dhex-dhexaadinta Xisbiyada Qaranka oo isku khilaafsan qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa diiddan isla markaana kalsoonida kala noqday Guddiga Doorashooyinka ee xilligan xilka haya, waxaanu xisbigu ku doodayaa in gebi ahaanba la kala diro Komishanka Doorashooyinka ka hor inta aanay qabsoomin doorashooyinka oo dib loo dhigay qabsoomiddooda.

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE