Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo ka hadlay Khilaafka Xisbiga Kulmiye, ugu baaqay inay Xal deg-deg ah ka gaadhaan Ismaan-dhaafka ka dhex-jira

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay khilaafka muddooyinkii u dambeeyey kala-irdheeyey Xisbiga Kulmiye gudihiisa iyo xukuumaddiisa, waxaanay ugu baaqeen inay xal deg-deg ah oo arrimaha lagu dejiyo labada dhinacba iska xil-saaraan sidii loo hirgelin lahaa.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo ka hadlay Khilaafka Xisbiga Kulmiye, ugu baaqay inay Xal deg-deg ah ka gaadhaan Ismaan-dhaafka ka dhex-jiraAfhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buuba oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa sheegay inaanay xisbi ahaan raalli ahayn ismaan-dhaafka ka dhex jira xisbiga talada haya isla markaana aanay doonaynay turraan-turro ku timaadda mid ka mid ah saddexda xisbiga Qaranka.

Halkan ka Daawo