Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Oo Ka Hadlay Khilaaf Warbaahintu Sheegtay Inuu Ka Dhex Qarxay

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay khilaaf la sheegay in uu u dhaxeeyo isaga iyo guddoomiyaha xisbigaas Cabdiraxmaan Cirro.

A-WADANI-LOGO-1

Axmed Muumin Seed waxa uu wararkaas ku tilmaamay dacaayado ay xukuumaddu ay faafinayso, waxaanu xukuumadda ku dhaliilay inay ka jeesatay amniga iyo siyaasada dibada ee dalka oo ay ku mashquushay xisbiyada mucaaradka ah, waxaanu isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Arintaas warbaahinta qaarkeed ayuunbaanu ku aragnay, waxaanu ogaanay in shabakado gaar ah ay qoreen oo waliba inamadii qoray waanu ogaanay, waa dacaayad  ay xukuumaddu naf moodayso iyada oo ay dhibaato badan ku gadaamantahay Somaliland arimo dibadeed iyo kuwo gudeedba iyada oo waxaas oo dhami ay jiraan ayay hadana xisbi ka soo bax ay xukuumaddu lacag ku bixinaysaa. arintan la baahiyayna waa mid nagu cusub wax xisbiga Waddani gudahiisa ka dhacayna majiraan.”