Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo Cambaareyn Kulul kaga Fal Celiyey Xukunka lagu Riday Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa si adag u cambareeyey xukunka lagu riday Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal iyo Xayiraadda la saaray Wargeyskaas oo ay ku tilmaameen mid aan loo marin sifo sharci ah.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID, kaas oo u dhignaa sidan: “Waxaanu Si adag U Canbaareyneynaa Xayiraadii, Xunka, Xadhiga, Xabsiga, Xadiga Lacagta ah ee lagu Ganaaxey iyo Xeerla,aanta aan Loo marin Xadhigooda (Madani iyo Xeerka Saxaafada S/land)

Wargeyska Hubaal Waxaa ay imika Xayiraadi   Saarneyd Mudo Dhan 21 cisho kaas oo aan isna  loo marin Sifo Sharciya oo Ciidamadda Amaanka Iyo Ciidamadda Sida Gaarka Ah U tababaran Ee Ka hortaga Argagixisada Ee Loo Yaqaan RRU ay Qufulo Waaweyn Ku Xidheen

Hadaba Waxaa aanu Cod Dheer Ku Canbaareyneynaa Xukunka Arxan Darada Ah Ee Lagu Gawracey Xoriyatul Qawlkii Saxaafada Madaxa Banaan Ee Jamuuriyada S/land

Waxaa Sidoo Kale Si Adag Aanu U Canbaareyneynaa

Falkii Foosha Xumaa Ee ahaa (isku Day Dil) ee Loogu Soo Dhacey Xarunta Wargeyska Hubaal isla markaana Waxyeelo (Dhaawac ) LooGu Geystey Hawlwadeenadii Wargeyska Hubaal, Oo aan iLaa imika Waxba Laga Qaban Oo aan Xataa Dacwad Lagu Soo Oogin Danbiilihii Danbiga Dilka Ah Gacanta Kula Jirey

 

Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga Ucid

Md Yusuf Keyse Alaahi