Xisbiga Mucaaradka ah Ee ODM Oo Ugu Baaqay Madaxweyne Uhuru In uu Ciidamadda Kenya Ka Soo Saaro Somalia

Niarobi (SLPOST) Xisbiga mucaaradka ODM ee Kenya, ayaa wuxuu soo jeediyay in si deg deg ah Ciidanka Kenya looga soo saaro dalka Soomaaliya, si looga gudbo mowjadaha qaraxyada ee hareereeyay dalkaasi.

 images (24)

Xisbiga ODM, ayaa waxa uu xalka u arkaa in Ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, iyada oo markaasi la badbaadinaayo nolosha bulshoweynta reer Kenya, oo ka walaacsan qaraxyada xidhiidhka ah ee ka dhacaaya Magaalooyinka waaweyn ee Kenya.

 

Anyang Nyong, Sii Haayaha Xilka Hogaamiyaha Xisbiga ODM, ayaa wuxuu sheegay Uhuru Kenyatta in ay ka doonayaan in uu la yimaado qorshe cad, oo Ciidamada Kenya dib loogu soo celinaayo dalkooda.

 

Wuxuu sheegay dadka reer Kenya in ay dareemeen, inaanay wax dan ah ugu jirin in Ciidamadoodu ay ka sii dagaalamaan gudaha dalka Soomaaliya, xilli dhiigoodu lagu daadinaayo gudaha dalkooda.

Sidoo kale wuxuu qabaa Shabaab haddii lala dagaalamaayo in ay ku sugan yihiin dalka Kenya, oo aan loo baahnayn in ay kula dagaalamaan meel ka baxsan dalkooda, laguna soo celiyo Kenya, si ay nabad ugu soo dabaalaan.

 

Anyang Nyong, ayaa wuxuu sheegay in walwal daran ku heyso mowjadaha qaraxyada ee gil gilaaya Magaalooyinka dalka Kenya 30-kii maalmood ee ugu dambeysay.

 

Al Shabaab waxay horey ugu goodisay inta Ciidamada Kenya ay xasuuqayaan shacabka Somaliyeed, inaanay nabadgeli doonin shacabka reer Kenya.

 

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland