Xisbiga KULMIYE oo Wacdaro aan hore loo Arag ku soo Bandhigay Magaalada Ceerigaabo Maalinta Lixaad ee Ololihiisa (Daawo Sawirro iyo Muuqaallo)

FB_IMG_1509960965078Kumanaan ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, ayaa isu-soo-bax aad u ballaadhan oo indho-daraaran iyo khalkhal ku riday xisbiyada mucaaradka sameeyey maanta, kuwaas oo socod ku maray jidadka magaalada iyagoo lulayey astaamaha xisbiga, halka qaybo ka mid ahna jidhkooda ku soo xardhay astaanta calanka KULMYE, kadibna markii dambe isugu yimi fagaaraha caanka ah ee beerta Xorriyadda ee Nuura, halkaas oo ay kala qaybgaleen Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa

FB_IMG_1509960952703Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno wasiirro ah, xildhibaanno, Guddida ololaha KULMIYE ee gobolka Sanaag iyo maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka oo ay kala hadleen masuuliyiinta xisbiga iyo kuwa xukuumadduba oo u mahadnaqay shacabka reer Ceerigaabo, isla markaana ku bogaadiyey wacdaraha ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan KULMIYE.

FB_IMG_1509960981214Xubno miisaan ku leh bulshada Gobolka Sanaag oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Guddida Ololaha KULMIYE ee Gobolka iyo ku-xigeenkiisa Md. Xildhibaan Ibraahim Carrale Ruush iyo Cali Baashe, Wasiirrada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Gaashaandhigga – Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Axmed Xaaji Daahir Cadami, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamuud Warsame, xildhibaanno ay ka mid yihiin Saleebaan Cawad Cige (Bukhaari), Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Cali Barre, Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), Dr. Carabayte, madax-dhaqameed, salaadiin, siyaasiyiin iyo cuqaal, ayaa madasha hadallo kala duwan ka jeedisay, waxaanay ku dheeraadeen horumarka xukuumadda KULMIYE gaadhsiisay gobolka Sanaag oo ay ugu muhiimsanyihiin waddada Ceerigaabo iyo boqolaal mashruuc oo kale oo midho-dhal noqday.

FB_IMG_1509960956455Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadnaqay shacabka reer Ceerigaabo, waxaannu sharraxaad dheer ka bixiyey muhiimada uu leedahay wadajirka wax wadaqabsiga iyo isku xidhnaanta bulshadu.

“Waxaan idiinka mahad naqayaa, xisbi ahaan iyo wefti ahaan ba, soo dhawaynta mugga iyo miisaanka leh, intii aanu gobolka Sanaag joognay, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo, iyo fagaaraha aad maanta sidaa isugu soo baxdeen, aad iyo aad baan idiinka mahad naqayaa, ILLAAHAY na ha idinka abaal mariyo,” ayuu yidhi.

Murrashax Muuse Biixi waxa uu u caddeeyey shacabka Gobolka Sanaag in isagu haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada uu dhex u yahay dhammaan bulshada oo aannu cid gaar ah garabka saarayn, “Walaalayaal haddaad reer Sanaag tihiin, Ceerigaabo waxaad tihiin magaalo wayn oo taariikhi ah oo dad badani ku dhaqan yihiin, anigu murrashax ahaan haddii aan doorashada ku soo baxo reer Sanaag dhex baan u ahay oo qof ahaan reer Sanaag waxaanu isku riix riixaynaa ma jirto, sababtoo ah dadka wada degaa inta badan wax bay kala sheegtaan oo wax bay isku riix riixaan, markaa reer Sanaagow dhex baan idiin ahay, haddii aan cid u dhago nuglaanayana Sool iyo Sanaag bari ayaan u dhago-nuglaanayaa, waxaan arrintaa ugu dheeraaday, wax inaga maqnaa 25 sannadood oo aynu doonayno in aynu dhamaystirno oo hadda bilaw ahi waa arrintaa nabadgelyada iyo in aynu soo xidhno xadkeena” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

DAAWO MUUQAALKA ISU-SOO-BAXA

MUUQAALKA KHUDBADDA MURRASHAXA MADAXWEYNAHA