Xisbiga Kulmiye oo soo Bandhigay Sababaha keenay Dib-udhaca Shirweynahooda, Wakhti kalena u Muddeeyey

Hargeysa  (SLpost)- Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye, ayaa kulan ay maanta isugu yimaaddeen xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa ku muddeeyey wakhtiga laga qabanayo Shirweynaha Xisbigaas oo Dib-u-dhac ku yimi.

Shirweynaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo markii hore loo qorsheeyey inuu qabsoomo 31 bishan March, ayaa dib loogu dhigay inuu si rasmi ah u furmo 25 Bisha December ee Sannadkan.

xasan siciidWarsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo lagu sababeeyey dib-u-dhaca ku yimi shirweynaha Xisbiga, ayaa u dhignaa sidan: “Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE kulan uu maanta oo taariikhdu 17/03/2013 isugu yimi xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa, lagagana wadahadlay muddaynta qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga KULMIYE waxa uu ku go’aamiyey waqtiga rasmiga ah ee qabashada shirweynaha xisbiga.

Hoggaanka xisbigu KULMIYE, kadib:-

  • Markii uu la tashaday Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE.
  • Markii uu arkay soo jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku saabsanayd dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xsibiga KULMIYE, iyadoo la waafajinaayo sharciga iyo nidaamka xisbiga, soo jeedintaas oo Madaxweynuhu uu warqad rasmi ah oo sumadeedu tahay JSL/M/1654/032013, kuna taariikhaysnayd 07/03/2013 uu ugu gudbiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.
  • Markii uu garwaaqsaday, si buuxdana ugu qancay sababaha iyo duruufaha waaqiciga ah ee Madaxweynuhu ku saleeyey soo jeedinta dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xisbiga.
  • Markii uu arkay go’aanka sumadiisu tahay GDUSAASQ/17/2013 ee ku taariikhaysan 16/03/2013 ee ka soo baxay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland, go’aankaas oo guddigu ku aqbalay dib-u-dhigista muddada shirweynaha xisbiga KULMIYE (Guddida Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka waa hay’adda awoodda sharciga ah u leh ku kaantaroolida axsaabta, hannaanka iyo waqtiga qabsoomida shirweynaha caadiga ah ee xisbiyada qaranka Somaliland).

Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE si rasmi ah u go’aamiyey in qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga oo hore ugu beegnayd March 31, 2013 dib loogu dhigo December 25, 2013, waqtigaas oo uu si rasmi ah u qabsoomi doono shirweynaha xisbigu.”

SOMALILANDPOST.NET