Xisbiga Kulmiye oo Sharciga la tiigsanaya Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

 

“Annaga oo ah Guddiga fulinta ee Xisbiga KULMIYE, waxaanu doonaynaa inaanu Caddayno inaanu Cabdirashiid Riyo-raac ku jirin Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE” – Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa sheegay inuu sharciga la tiigsanayo Xisbiga Mucaaradka ee Waddani oo xukuumadda iyo xisbigeeda dhaliilo ugu jeediyey xubnaha madaxweynuhu u soo xulay guddiga Cusub ee Doorashooyinka Somaliland.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in laba xubnood oo ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Madaxweynuhu magacaabay todobaadkii hore oo uu ka mid yahay Siyaasi Cabdirashiid Riya-raac ka tirsan yihiin Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye sidaa awgeed aanay ka mid noqon guddiga doorashooyinka maadaama ay siyaasad ahaan dhinac yihiin, waxaanu xisbigu hakiyey xubintii uu u soo magacaabay guddiga ilaa laga jawaabayo ama wax laga qabanayo cabashadooda la xidhiidha arrintan.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta ee Xisbiga, ayaa sheegay inaanu Siyaasiga Cabdirashiid Riyo-raac ka mid ahayn Golaha dhexe ee Xisbigaasi.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose