Xisbiga KULMIYE oo Mucaawimooyin Raashin iyo Xoolo nool Isugu jira gaadhsiiyey Cusbitaallada Hargeysa, Borama & Burco iyo Jeelasha iyo Xarumaha Ciidamada Qaranka

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka hoggaamiya ee Kulmiye oo maanta u lahaa Wareegga 5aad ee Ololaha Doorashada, ayaa deeq isugu jirta Xoolo nool iyo Raashin Gaadhsiiyey Cusbitaallada magaalooyinka Boorama iyo Burco.

Masuuliyiin ka socda Xisbiga, ayaa deeq Raashin ah gaadhsiiyey kuna wareejiyey Maamulka Cusbitaalka Guud ee magaalada Boorama.

Sidoo kale, masuuliyiin Xisbiga Kulmiye ka tirsan ayaa isla maanta deeq Xoolo nool ah gaadhsiiyey Cusbitaalka Guud iyo Jeelka magaalada Burco oo ay ku wareejiyeen.

HADDABA HOOS KA DAAWO FAAHFAAHIN WARARKA LAGA DIYAARIYEY ARRIMAHAN

Sidoo kale, Xisbiga KULMIYE waxa uu deeqo xoolo ah gaadhsiiyey goobo kala duwan ee Gobolka Maroodi-jeex, waxaanna guddida ololaha xisbiga ee gobolku ay xoolo dhan 37 neef oo Geel ah iyo 136 neef oo Adhi ah ku wareejiyeen Talisyada Ciidammada Millatariga, Booliska iyo Asluubta, Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo cusbitaalka Qaaxada ee caasimadda, xarunta Agoomaha Hargeysa iyo xarumaha lagu hayo dadka qaba xannuunka maskaxda ama dhimirka